Lix Ruux Oo Dumar U Badan Oo Aano Loogu Laayey Deegaanada Wardheer iyo Iyo Galduduud
Caabudwaaq:31-Dec-2013(SDN)-Dilal Qorshaysan oo Aanooyin Qabiil Salka ku haya, ayaa Ka Dhacay Gobalka Wardheer oo ku yaalla Ismaamulka Somalida Itoobiya iyo degmada Caabudwaaq ee gobalka Galgaduud.
Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in 6 qof lagu dilay tuulada Waal oo hoostagta gobalkaasi Wardheer ee Soomaalida Itoobiya, iyadoo dilalkaasina loo aanaynayo Utumo hore oo qabiil.
Dilka ka dhacay tuulada Waal ayaa daba socoda dilal iyo isqab-qabsi shalay ka dhacay deegaanno hoos yimaada magaalada Cabuudwaq oo ku saabsan baabuur la kala qabsaday iyo dilal loo geystay dad ku jiray xalka baabuurtaasi.
Dad ku sugan degmada Cabuudwaq ayaa xaqiijiyay in 6 qof ee lagu dilay Waal ay labo kamid ah yihiin dumar.
Dilalka Noocan oo kale ah ayaa inta badan ka dhaca Deegaanada Somalidu Degto ee Ethiopia ku yaalla, waxana loo Nisbeeyaa arrimo qabiil iyo dhul salka ku haya.
S.D.N