|

Lix Mudane Oo Ka Tirsanaa Xisbiga Kulmiye Oo Toddobaadkan Ku Biiraya Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani

Burco:Nov,22,2014(SDN/QJ)-Lix kamid ah xildhibaanada Golaha Deegaanka Burco oo kasoo jeeda Beesha Bariga Burco, ayaa la sheegay inay Toddobaadkan ku biirayaan Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani.

edaMudanayaashan ayaa hore uga soo baxay Xisbiga Kulmiye, waxana khilaafka jira darteed la sheegay inay xildhibaanadani Si wada jira ah u go’aansadeen inay u digo rogtaan dhinaca xisbiga Waddani oo waayadan ay si weyn isku hayaan xisbiga talada haya ee kulmiye.

ilaa iyo imika lama garanayo sababta keentay in Lixdani Xildhiban Ee ka Tirsan Golaha Degaanka Burco ay Uga Baxayaan Xisbiga Kulmiye isla Markaasna ay Ugu Birayaan.

Mudanaashan ayaa si cad uga cadhootay tallaabada ay xukuumaddu ku doonayso inay meesha kaga saarto Guddoomiyaha Waddani oo ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, waxana taasi ay keentay inuu Xisbigani Helo Taageero laxaad leh oo xukuumadda ka dhan ah.

Dhawaan ayey ahayd markii warbaahinta laga arkay Siyaasiyiin miisaan culus leh ooh ore ula soo shaqeeyey xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, kuwaas oo la filayo inay ayaamaha soo socda ka dhex hillaacaan Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed