|

Lix ka mida Qoyska Madaxweynaha Soomaaliya oo iska Dhiibay UK

Nairobi July 12,2013(SDN)-Waxa saxaafada magaalada Nairobi kula hadlay Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Soomaaliya Maxamed Xasan Guguurte oo dhawaan xilka laga qaaday.

Gurguurte ayaa sheegay in safarkii u danbeeyay ee madaxweynuhu London ku tegay in ay hore u sii raaceen Lix ruux oo ka mida Qoyska Madaxweyne Xasan Sh Maxamuud.

Lixdii ruux ayaan dib noola soo noqon ayuu yiri Gurguurte,kolkii aan madaxweynaha waxa uu igu jawaabay isaga bax waxaanu ka wada hadalay David Cameron.

Agaasimihii hore ee Villa Somalia ayaa sheegay in xilkii dhawaanta laga qaaday in loo magacaabay inan uu madaxweynihu abti u yahay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaan ka jawaabin xogtan uu shaaciyay agaasimihii hore ee Madaxtooyada.

SDN-Nairobi

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed