Libya oo Ka Tanaasushey (Africa Cup of Nation) Maxay Qoonsatey? (By Jaahuur)
Libya-24-Aug-2014-(SDN/QJ) Akhyaartay faaqidaadeena ciyaaraha waxaynu ula hayaameynaa xagaa iyo Libya oo ka cabatay in koobka horyaalka Afrika lagu qabto dalkeeda sannadka 2017-ka sababna aay ka dhigteen dagaalo aay isku feenteen awgeed.
Xidhiidhka kubadda cagta ee Afrika (CAF) ayaa ku marti qaadey kuwii u diyaar ah tartanka.
Waddankii jecel inuu qabto tartanka koobkan waxay haystaan ilaa 30-ka September,sidaana waxaa ka dhawaajiyey (CAF).
Go’aanka ayaa soo bidhaami doona sannadka soo socda waddankii baddali lahaa Libya qabashada koobka.
Qeynuunka kubadda cagta ee Afrika ayaa qeexaya waddankii ku guuleysta inuu marti geliyo koobkan sannadka 2017-ka waa iney hadan ka yihiin Garoomada,Hudheelada,Gaadiidka iyo Nabadgelyada.
Haddaba aynu eegno waddankii ku guuleysta marti galinta koobka qaaradda Afrika ee Cup of Nation bedeli doonana Libya sannadka 2017.
W/qorey Jaahuur
SDN/QJ
jjaahuur@qurbejoog.com