Lahaystayaal Kenya u dhashay oo Hadda laga Helay Gudaha Somalia
11,Apr.2014(SDN/Q J)-Laba qof oo u dhashay dalka Kenya oo ay sanadkii 2011-kii ay Afduubeen Xoogaga AL-shabaab ee ka dagaalama dalka Somalia,ayaa la sheegay in laga helay Gudaha dalka Somalia,gaar ahaana goobaha ay gacanta ku hayaan Ciidamadda Kenya ee qeybta ka ah Hawl galadda Amisom ee Somalia.
labadan Sarkaal ayaa u kala shaqaynayay Dhakhaatiirta aan Xuduudka lahayn iyo Haaya’ada Care International.waxaana haatan lagu hawlanyahay baadhitaan qote-dheer oo lagu samaynayo xaaladooda Caafimaad sida ay haatan tahay.waxaana ay wararku intaas ku darayaan in Sabti bari ah-na loo Gudbin doono Magaaladda Nairobi ee Xarunta dalka Kenya.
Saaraakiisha al-shabaab ayaa hore u shaaciyay in labadan qof ay sii daayeen ka dib markii ay qaateen Diinta Islaamka.waxaana ay intaas raaciyeen inay xor u yihiin inay meesha ay doonan ay ku noolaadaan.
SDN/QJ-Nairobi