Laftagareen oo difaacay mudada loo kordhiyay
Baydhabo December 20, 2022 (QJ) – -Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo mudo xileedkiisii sharciga ahaa uu ku ekaa shalay ayaa ka jawaabay diidmo laga muujiyay mudo kororsi loo sameeyay.
Madaxweyne Laftagreen ayaa ka jawaabay dhawaaq shalay ka sooyeeray ciidamo la baxay badbaadinta Koonfur Galbeed oo uu sheegtay in aaney aqbali doonin, waxaanu intaa raaciyay in Baarlmaanka maamulkaasi ay sifo sharci ah mudada ugu kordhiyeen.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobo ayaa beydhabo u jooga xalinta khilaafka doorashooyinka Koonfur Galbeed.