|

Lafaha Malko Durduro: Gebo-gebada Baadi Goobkii Dheeraa ee Aabahay Iyo Saaxiibadiisii la Xasuuqay

Waxa dalka hooyo gaar ahaan caasimada Somaliland ee Hargeisa dhawaan yimi Khuburo caalami ah oo baadhitaano ku samaynaysa xabaalo wadareedyada ay ku jiraan dadkii reer Somaliland ee ay xasuuqa u geysteen Taliskii naxariista darnaa ee uu hogaamin jiray kaligii taliyihii haligmay ee Maxamed Siyaad Barre oo wadku  haleelay isaga oo qaxootinimo ku joogay dalka Nayjeeriya oo uu u baqo cararay dhamaadkii xukunkiisa sanadkii 1991kii.

Hadaba iyada oo xasuuqa loo geystay dadweynihii ku abtirsan jiray Ururkii SNM ee ku sugnaa wixii loo yaqaanay Gobolada Waqooyi uu ahaa xasuuqii ugu naxariista darnaa ee abidkood soo mara reer Somaliland, iyada oo xasuuqaasi lagu fuliyay magaca Dawladii Jamhuuriyada Dimuqraadiga Soomaaliya. loona isticmaalay hantidii iyo qalabkii Qaranka, iyada oo wali ay nool yihiin qaar badan oo ka mid ah dhagar qabayaashii geystay xasuuqaas oo ay waajib Islaami ah iyo mid Damiiri ahba ay tahay in la ugaadhsado oo cadaalada la hor keeno, ayaa waxaan jeclaystay inaan dhawr maqaal ku iftiimiyo dariiq aad u dheer una dhib badan oo aan u maray sidii aan u ogaan lahaa halka Geeri iyo Nolol uu ku danbeeyay Allah ha u naxariistee Aabahay S/Le Cabdilaahi Maxamed Bulaale iyo 73 Askari oo dhamaantood ka tirsanaa Ciidamadii Milatariga Soomaaliya ee loo yaqaanay “Xoogga Dalka” kuwaas oo habeenkii ay jabhada SNM ay soo gashay magaalada Hargeysa 31 May 1988kii, inta xeryahoodii laga ururiyay loo sheegay in magaalada Muqdisho loo bedalayo iyada oo maalintaas ka dib dib aan dib loo arag.  Qaybaha aan halkan ku soo bandhigi doonaa waxay ka mid yihiin buug aan ka diyaariyay arrimahan iyo  dhacdooyin kale oo mustaqbalka dhow soo bixi doona Insha Allah.

Waxaan jecelahay in aan halkan mar kale ka  caddeeyo sida ay horeba Xukuumada Somaliland u sheegtay in aan baadhitaanada ku saabsan xasuuqii ka dhacay Somaliland aanuu ahayn mid cid gaar ah ama beelo gaar ah lagu bar tilmaameedsanayo ama lagu xumaynayo, ujeedada laga leeyahay waa sidii dadkii dadkooda la xasuuqay ay u ogaan lahaayeen goobaha ama degmooyinka iyo magaalooyinka ay ku yaalaan xabaalo wadareedyadu  si loo garto qof kasta goobta ay lafaha ehelkoodu ku asaan yihiin iyada oo la isticmaalayo nidaamka DNA da si markaas loo aqoonsado qof kasta oo xabaalahaas ku jira dibna loogu aaso, iyo si loo raadiyo  cadaaladana loo hor keeno madaxdii iyo ashkhaastii dhagartan geysatay. Xasuuqani waa qayb weyn oo ka mid ah Taariikhdii uu soo maray Qarankan Somaliland ahna mid ku suntanaan doonta  inta dunidan la guud joogo, markaas hawlaha baadhitaanka xasuuqyadan loo geystay waxa uu baqdin ku abuuri karaa oo kaliya dhagarqabayaashii falalkan geystay oo If iyo Akhaariba lagala xisaabtami doono, balse waa ay soo dhawayn doonaan qof kasta oo Damiir Islaamnimo iyo iimaan fiicani uu ku jiro, sababtoo ah ma jirto wax looga cabsoodo dad dadkoodii la xasuuqay baadi goobaya!

Waxaan qoraaladan kaga hadi doonaa Jidkii dheeraa oo ilaa Muqdisho is daba taxnaa ee aan u maray si aan u ogaado Geeri iyo Nolol halkii ay ku danbeeyeen Allah ha u naxariistee Aabahay iyo Askartii la midka ahayd oo imika ka mid ah lafaha ku duuggan xabaal wadareedka Malko Durduro

Qaybtii 1aad

Marka aan dib ugu celiyo xusuustayada bil ka  ka hor dagaalkii 1988kii waxaabad moodaysay inay markaas uun aan luqunta la soo kacayay, waa xilli dhalinyaranimo bilow ah waxaanan dhigan jiray Fasalka labaad ee dugsigii sare ee Faarax Oomaar, waxaa fasalka aan dhigan jiray la odhan jiray  (fasalka J) waxaa dugsiga maamule ka ahaa nin lagu magacaabi jiray Xasan Likwidh (liquid), run ahaan waxa uu ahaa maamule ardayda aad ugu waaniya inay wax bartaan, waxaana werwer badan ku hayn jiray arday xad dhaaf ah oo si joogto ah ugu biiri jiray ururkii SNM.

Guud ahaan magaalada Hargeysa iyo guud ahaan inta badan gobolada Waqooyi wixii loo yaqaanay waxaa ka taagnaa culays badan oo lagu hayay dadweynihii ku abtirsan jiray ururkii SNM, dilka, xadhiga, cago juglaynta, dhaca, kufsiga iyo ku tumashada xuquuqda aadamuhu waxay ahayd mid si xad dhaaf ah ay dawaladii Maxamed Siyaad Barre ugu haysay dadweynahaas, waxaa dhinaca kale socday is abaabul iyo ololayaal qarsoodi u badnaa oo ay dadweynuhu ku doonayeen inay isaga dulqaadaan dhibaatada haystay, waana ta keentay in ururkii SNM oo taageero balaadhan ka haysta dadweynihiisa gudo iyo debedba uu dagaalo culus la galo dawladii dalka ka jirtay.

Xaafada aan ku noolayn waxay ahayd Laynka Milatariga oo dhinaca waqooyi ka xigta xerada ciidamada ee Birjeex ee magaalada Hargeysa oo ay degenayaayeen Gaaskii Labaad ee Qaybtii 26aad ee Xoogga Dalku, waxaa xaafada degenaa ciidamada iyo xaasaskooda iyo carruurtooda, run ahaan xaafadan culays sidaas usii badani ma haysan marka la barbar dhigo xaafadihii kale ee Hargeysa ku yaallay, sababtoo ah dadka xaafadan deggan oo ahaa askar aan wax shaki ah aanay  ka qabin dawladu xiligaas.

31kii May ee sanadkii 1988kii ayay ciidamada ururkii SNM ee naftood hurayaasha ahaa ay iyaga oo raabo-raabo u socda badhtamaha u soo galeen magaalada Hargeysa, waxaanay weerar ku eekaysiiyeen xeryihii ciidamada iyo goobihii kale ee muhiimka ahaa ee magaalada Hargeysa, digta iyo dembta ayaa yeedhay waxaana markiiba magaalada Hargeysa ay isu bedeshay goob dagaalo faraha lagaga gubtay ay ka curteen.

Allah ha u naxariistee Aabahay Cabdilaahi Maxamed, iyo Odayaashii kale ee deriska aanu ahayn ee Militariga ka tirsanaa oo aan magacyadooda ka xusi karo S/Le Cabdi Dheere, S/Le Aadan faruur, S/Le Axmed Abokor Durduur, Dhamme Diiriye Carrablow, S/Le Turmaag, S/Le Ibraahim Aw xasan iyo odayaal badan oo aanan magacyadooda halkan ku wada xusi karini waxay ka mid ahaayeen dadkii ka tirsanaa ciidamada qaybtii 26aad, waxaanay isla habeenkii SNM sida kadisada ah ay usoo gashay Hargeisa ay markiiba labisteen dirayskoodii dagaalka, waxaanay iska xaadiriyeen xeryahoodii ciidamada sida xeradii Birjeex, Xero Weyn, Gurmadka gaadiidka, Hoosada gaadiidka, 24aad, Gantaalaha, Qaybta 26aad iyo xeryihii kale ee ku teedsanaa Hargeiysa, iyada oo xeryahaas qaar ka mid ah ay jabhadii SNM ay bar tilmaameed u ahaayeen.

Odayaashaas waxaa niyadooda ku jirtay dalkiina difaaca, waxaana qalbigooda ku dahaadhnaa dawladnimo iyo u daacad ahaansho dalkooda, waxay hore uga soo qayb galeen dagaaladii 1977kii iyo waliba dagaaladii 1964kii ee dhex maray Itoobiyaanka iyo Soomaalida waxaana iyagu ay fikir ahaan ay aaminsanaayeen inay dalkooda ka difaacaan SNM, hase yeeshee marnaba may filanayn in iyaga oo niyadooda sidaas ahayd in loo aanayn doono inay SNM isku qabiil yihiin.

Hal mar ayaa 73 askari oo uu Allah ha u naxariistee Aabahay ka mid ahaa laga soo ururiyay xeryihii kala duwanaa ee ciidamada laga soo uruuriyay waxaana la isugu keenay taliskii ciidanka ee Qaybta 26aad oo ku taallay dhinaca  koonfur galbeed ee Hargeisa, waxa lagu soo xulay qabiilkooda oo kaliya, waxaana loo sheegay in dhinaca magaalada Muqdisho degdeg loogu bedelayo………..

La Soco

Ambassador Kaysar Cabdilaahi
Bristol. UK
kaysar@diplomats.com

Comments are closed