|

Labadii Ardaa ee Khasaaraha Dhimasho isu Gaystay oo Go’aansaday Xabad Joojin aan Shuruudi ku Xidhnayn iyo Weedhihii Madaxda

Oog 14.Jan 2014 (SDN)- Wufuud Tiro badan ayaa Gaadhay Deegaanka Doclaha ee Shaqaaqadu ku dhex martay Laba Beelood oo Walaalo ah taas oo Sababtay Dhimashada Afar Qof iyo dhaawaca Laba kale .

Ergada Nabadeed oo ka kala Socday Xukuumada,Madax dhaqameedyo iyo Mas’uuliyiin Xilal kala Duwan haya ayaa Weftiga Dawlada Somaliland oo uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Guduhu Waxay Kulamo Gooni Gooni ah ah kula Yeesheen Deegaanka Oog iyo Docaha labada Beelood ee dhibku ka dhex dhacay Waxaanay u Qadimeen Xabad Joojin aan Shuruud lahayn,Sidoo kale Waxay ka dalbadeen inay ka Dhawrsoonaadaan Wax kasta oo Saamayn ku Yeelan kara Nabad ku wada noolaanshaha.

Weftigu waxay ku horeeyeen Beesha Jaamac Siyaad ee Dhul bahante waxaanay uga sii Gudbeen Beesha Sacad Yoonis ee Habar yoonis waxaanay labada dhinacba balanqaadeen inay ka shaqaynayaan Nabada isla markaana ay Ixtiraami doonaan Ergooyinka Nabadeed ee Soo Gaadhay.

Weftiga Wasiirka Arrimaha Guduhu waxaa kale Cuqaasha iyo Wax garadka labad ardaa inay u dhego Nuglaadan Ciidamada Qaranka oo Mas’uul ka ah Aslaaxinta Nabadgalyada iyo Ergooyinka Ceelalyada Nabadeed ah.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cali Maxamed Warancde oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay Muhiim tahay in mar walba uu caqligu shaqeeyo oo laga koro in Qori caaradii la isugu Jawaabo Wasiirku Waxa uu Xusay in Gobolada Galbeedka Somaliland aan lagu Arkayn Qof sita Qorigii  laga dhaxlay Taliskii Siyaad bare waxaanu Wasiir Warancade u Mahadceliyay Cid kasta oo Gurmad nabadeed ugu Timid Deegaankaas.

Wasiirada Hawlaha Guud iyo Wasiirul Dawlayaasha Maaliyada iyo Waxbarashada oo dhalasho ahaan ka soo kala jeeda labada ardaa ee Shaqaaqadu dhex martay ayaa tilmaamay in aanay Jirin wax ka qaalisan Nabad ku Wada Noolaasho maadaama sida ay Yidhaahdeen labadan reer ay Yihiin Wiil iyo Abtigii .

Geesta kale Cuqaasha iyo Madax dhaqameedka labada ardaa ayaa Weftiga u balanqaaday nabad aan Shardi lahayn iyagoo ka dalbaday in inta laga dhamaynayo Xurguftan ay ku sugnaadaan deegaankaas taas oo ay Wasiiraduna kaga jawaabteen inay ogol yihiin diyaarna u yihiin inay is afgarad ku dhameeyaan dhacdadaas dhimashada iyo dhaawaca sababtay.

Dhinaca kale Salaadiin tiro badan iyo  Maayarka Magaalada Burco iyo Koox xildhibaano ah oo ka soo Kicitimay Magaalada Burco ayaa gaadhay deegaanka Docolaha .

SDN-Oog
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed