“labadaas dagaal ayaa ka dhaxeeya meel walba oo Soomaaliyi degan tahay Somaliland-na kama foga” Prof Axmed Ismaaciil Samatar
Hargaysa 13.Jan 2014 (SDN)-Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ka mid ah haldoorka iyo aqoonyahanada foolaadka ah ee Reer Somaliland ayaa sharaxay asbaabaha uu uga hadhay fikirkii Soomaali weyn ee uu ugu olalaynayo qadiyadda madax-banaanida Jamhuuriyadda Somaliland.
Prof. Axmed Ismaaciil waxa uu sheegay inaanu ka tagin qawmiyadda Soomaalinimada hase yeeshee uu uga tanaasulay fikirkii Soomaali weyn qabiil iyo musuq hadheeyay hanaanka siyaasadda dalka Soomaaliya.
Prof, Samatar oo xalay khudbad uga jeediyay boqolaal qof oo ka mid ah jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan Ingiriiska, u warramayay laanta Afsoomaaliga ee BBC-da waxaanu kaga hadlay mustaqbalka Somaliland.
Prof. Axmed Ismaacii oo la weydiiyay waxa uu u sheegay dadkii uu khudbada u jeediyay, waxaanu yidhi “Waxaanu is tusnay in mustaqbalka Somaliland uu yahay mid fursado badan leh,rajo-weynna leh, wax la qabsaday oo u noqon kara saldhig laga guurro oo laga dagaalo si mustaqbal weyn loo dhiso, waxa kale oo aanu istusnay in kayd badan oo la xidhiidha wixii Somaliland soo qabsatayna uu jirro.”
“Waxaanu isla faalaynaynay in waxa imika jira Nabadgelyadda, dimuqraadiyadda iyo horumarka la sameeyay ha noqoto sida jaamacadaha, wadooyinka iyo baayac-mushtariga qodobadaas sidii loo ilaalin lahaa si aanay u kala daadan iyo mustaqbalka sida loo dhisayo dalka iyo fursadaha la haysto xaga siyaasadda, dhaqaalaha, caafimaadka, nolosha, wadooyinka iyo aqoonsiga dibadeed,”ayuu yidhi Prof Samatar.
Prof. Axmed oo la weydiiyay waxay ahayd farriinta uu gudbinayay socdaalkii uu maalmo ka hor kaga soo laabtay Somaliland, waxaanu ku jawaabay “Farriintu noocyo badan ayay leedahay oo jaamacado badan oo dalka ku yaala ayaan ka hadlay oo aan jeediyay illaa sideed khudbadood (lecture). Burco jaamacadeeda waxaanu dood weyn ku yeelanay oo aan ka hadlay mawduuca sida ay Somaliland uga hawl-galayso inay adduunyada is barto si loo garto waxay qabsatay. Jaamacadda Golis ee Hargeysa waxaan iyana khudbad weyn oo aan ka soo shaqeeyay ka jeediyay qabiilka iyo qaranimada. Waayo labadaas dagaal ayaa ka dhaxeeya meel walba oo Soomaaliyi degan tahay Somaliland-na kama foga. Waxaan ka hadlay sida qabiil looga fogeynayo qaranimo.”
Prof. Samatar oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Jaamacadda Hargeysa waxaan ka jeediyay khudbad ku saabsan Mustaqbalku bilaash ma aha oo illaa kun iyo dhawr boqol oo qof ka soo qeyb galeen. Jaamacadda Cammuud ee Boorame waxaan ka jeediyay khudbad ku saabsan jaamacaduhu halkee ayay ka geli karaan horumarka wadan. Marka waxaas oo dhan aad isku soo duubto aniga farriintaydu waxa weeye Somaliland meel wanaagsan ayay joogtaa, sida halkan looga dhaqaajinayo wakhtigan soo socda ee loo kobcinayo dhaqaale, shaqo abuurka, nabad-gelyada iyo wada jirka oo aad loo sii adkeeyo iyo dumuqraadiyada oo aad loo sii sifeeyo.”
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com