Labada Xisbi Mucaarid oo Go’aano ka soo saaray Fulin la’aanta Heshiishkii Xisbiyada,Baaqna u diray Madaxweynaha
Hargaysa 09.July 2015 (SDN/QJ)- Xisbiyada mucaaradka oo baaq kama danbeysa u diraya Madaxweyne Siilaanyo ee fulinta heshiiskii xisbiyada iyo Xukuumadda.
Qoraal Wada Jir ah oo ay soo saareen Labada Gudoomiye ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe iyo Waddani Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro ayaa u dhignaa Sidan:-
“Nabadda iyo dimuqraadiyadda Somaliland waxa khatar iyo dib-u-dhac ku ah rabitaanka madaxweynaha, iyo xubno xukuumaddiisa ka tirsan oo ah in aan doorasho dalka kadhicin. Sidaa darteed, waxay labada Xisbi-mucaarid mawqif midaysan kaqaateen heshiisyadda ma-dhalayska ah ee xukuumaddu saxeexdo.
Haddaba waxaa 5tii, bishan Juulay 2015ka kulan ay labada Xisbi ee UCID iyoWADDANI kuyeesheen Hotel Ambassador oo ay goob-joog ahaayeen labada Gudoomiye ee labada Xisbi Mudane Feysal Cali Waraabe iyo Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi(Cirro) kaga doodeen arrimaha siyaasadda, nabad-gelyada iyo bulshada ee Somaliland, gaar ahaan heshiiskii ay wada-galeen xukuumadda iyo saddexda xisbi qaran 27kii May 2015ka; ee welina laga sugayo xafiiska madaxweynaha.
waxaygo,aankugadheen
-
Iyaga oo tix-geliyey amniga qaranka, dhawrayana karaamadda ummadda
-
Iyaga oo tix-geliyey deggenaashaha iyo xasilloonida Dalka,
-
Iyaga oo tix-geliyey bisha Ramadaan ee lagu jiro,
-
Iyaga oo tix-geliyey muddada dheer ee laga sugayey xukuumadda inay fuliso heshiiska,
Innay baaq kama danbaysa u dirayaan Madaxweynaha:
-
In Madaxweynuhu fuliyo heshiiska saddexda xisbi iyo xukuumadda ee lagu wada galay madaxtooyadda 27kii May 2015ka.
-
In Madaxweynuhu isaga oo xurmeynaya heshiiska saddexda xisbi iyo xukuumadda, tixgelinayana danta qaranka in uu digreeto ku soo saaro heshiiskii la-wadda-galay, ka hor 20/7/2015ka,
-
In haddi aannu madaxweynuhu fullin heshiiska soona saarin Degreeto heshiiskii la wada-galay inay isbahaysiga mucaaridku isugu iman doonaan talo dalka lagu badbaadinayo Qaranimada Somaliland 21-26 July 2015ka,