“Labada wargeys ee Xidhanna sababta loo xidhay waa Wiilka uu madaxweynuhu soddogga u yahay si loo raalli geliyo……”Muj. Cali Gurey
Hargeysa:July,16,2014(SDN/QJ)-Guddoomiye-ku-xigeenka Saddexaad ee Xisbiga Ucid Mujaahid Cali Gurey ayaa ka Hadlay Xaalada soo kordhay ee Dalka Somaliland ee dhinacyada Ammaanka, siyaasadda iyo waliba Cabudhinta xorriyatul-qawlka ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo laga Dhaxlay.
Cali Gurey oo u warramayey qaar ka mid ah warbaahinta, ayaa sheegay in dalka Somaliland uu haatan gaadhay heer aanu madaxweyne Siilaanyo talada Gacanta ku haynin, isla-markaana uu burbur iyo aaminaad-darro ku yimi Hannaankii dawladnimo ee Somaliland.
Cali Gurey, waxa uu ugu horrayn jawaab ka Bixiyey Hadal uu dhawaan Xildhibaan Bukhaari ku eedeeyey Xisbiga waddani inay xidhiidh dhaw la leeyihiin Somalia, isagoo bulshada Tusay Boogo hore oo uu xildhibaan Bukhaari lahaa ka hor intaanu Golaha waiillada ku soo biirin,
“Waxa Nasiib-darro ah inuu Bukhaari Xisbiyo kale ku eedeeyo Muqdisho iyo somaliweyn iyo Kooxda Haysata Madaxtooyada Somalia ee Dam-jadiid,wuuna is ilowsan yahay inuu Bukhaari ka mid ahaa Kooxdii Al-itixaad” ayuu yidhi Mujaahid Cali Gurey.
Waxa kale oo uu Mujaahid Cali Gurey Ka Hadlay tacaddiga Saxaafadda Madaxa Bannaan ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku Hayso, isagoo Xidhitaanka Warbgeysyada Hubaal iyo Haatuf ku tilmaamay mid looga Gol-lahaa sidii loo raalli gelin lahaa Wiilka uu madaxweyne Siilaanyo Soddoga u yahay oo uu sheegay inuu ka xanaaqay Qoraallada Wargeysyadaasi Baahin jireen, waxana uu yidhi,
“ Labada wargeys ee Xidhanna sababta loo xidhay waxa weeye Wiilka uu madaxweynuhu soddogga u yahay si loo raalli geliyo ayaa labada jariiradoodba loo baabi’iyey, loona xidhxidhay Masuuliyiintii Haatuf iyo Hubaalba, imikana waxad ka garanaysaa inaanu xadhigoodu sharci ahayn iyadoo aan la muddayn Ambiilkii ay ka qaateen ayuu Madaxweynuhu sii daayey, wax kalena ma ahee Marka horena Inankaa Cadhaysnaa imikana Inankaa Cadho-burburay. Dawladnimadeenuna waa taas, waliba ta ugu weyn ee uu ku qasbanaadayna waa Meeshii uu istaagaba waxa u sii yaalla Dagaalka ka dhanka ah saxaafadda, waana uu sidii uu jawaab ugu heli lahaa’e ma aha cadaalad soo korodhay.”
Mujaahid Cali Gurey ayaa soo Hadal qaaday Safar dhawaan Wasiiro Somaliland ka tirsan oo ay xubno ka ahaayeen Wasiirrada Madaxtooyada iyo arrimaha Guduhu, kaas oo Hoggaamintii uu si nidaamka baal marsan u qaatay Wasiir Xirsi, waxana uu tilmaamay inay muujinayso Awoodda Wasiir Xirsi, waxana uu yidhi,
“wasiirka arrimaha Guduhu marka arrin gudeed ay wafti wasiirro ahi u baxayaan dee dhaqanka dawladdu waa inuu wasiirku Hoggaamiyo, laakiin xirsi waa ka awood badan yahay wasiirrada oo waa wasiirka koowaad, markaa kollay wasiirnimada waxbaa u dheer oo isagaa hoggaamiyey baa la yidhi.”
Cali Gurey ayaa dhinaca kale ka hadlay Masuuliyiinta ka Tirsanaan jirey Xukuumaddi Udub ee uu Madaxweyne Siilaanyo Xilalka ku taxay, waxana uu tilmaamay in raggaasi yihiin Albaabka Jabka iyo Hoogga laga Galo, isla-markaana ay udub dhexaad u noqdeen Xumaan kasta oo dalka ka dhacdo, maadaama ay dhego nuglaan iyo Han yaraan Caan ku yihiin,
“Qolada UDUB Yes-man-no ayey iskaga Badan yihiin oo dadka way jabiyaan, waayo yes man-ku waa dad aan fikir lahayn curin lahayn, kursigan uun jecel oo la iskaga Addoonsan karo kursiga oo xumaan oo dhan loo adeegsan karo, qoladaasinaKulmiye kumay biirine waa rag Kuraasi uun doonaya waana waxa qolada Kulmiye calool xumada ku beeray.” Ayuu yidhi Mujaahid Cali Gurey.
SDN/QJ-Hargeysa
Contact@somalidiasporanews.com