|

Labada Kuuriya oo Tacshiirad isku weydaarsaday xuduudaha baddeed ee u dhexeeya

Seol May 23,2014(SDN/QJ)-Dalalka Jaarka ah ee labada Kuuriya oo sanado badan colaad  siyaasadeedi u dhexeeysay ayaa shalay isku weydaarsaday tacshiirado xadka baddeed ee labada dal u dhexeeya.

Saraakiisha ciiddamada badda ee Koofur Kuuriya ayaa sheegay in mid ka mida maraakiibtooda oo sameynayay uu Markab kuwa dagaalka ah oo Kuuriyada Woqooyi leedahay uu laba gantaal ku riday.

Gantaalada Ayaan ku dhicin markabka Kuuriyada Koonfureed, waxaase uu ka bixiyay jawaab.

Labada Kuuriya oo ay la kala safan yihiin dalalka reer Galbeedka iyo reer Bariga ayaa mudo dheer ku jiray heegan ciidan.

Ma aha markii u horeysay ee labada Kuuriya ay sidan oo kle isugu dhacaan balse intii ka danbeysa sanadii 1999kii ayaa waxa labada dal dhex maray isku dhacyo sababy dhimasho.

Todobaadkii ina dhaafay ayaa waxa dhawr jeer isku sigtay ciidamada labada Kuuriya waxaana haatan socda dedaalo caalemi ah oo xaalada lagu dejinayo.

SDN/QJ-Seol

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed