“labada dhinac ba waa ay naga aqabaleen ergadii balse waxay naga codsadeen in aanu iyaga Fursad Isu Siino” Ku Simaha Gudoomiyaha Golaha Guurtida
Hargaysa 11.Feb 2014 (SDN)- Gudidii dhex dhexaadinta ka Waday Khilaafkii Xadhkaha Goostay ee Golaha Wakiilada ayaa Maanta ka Hadlay Qaabka ay u maaraynayaan Xal buuxa oo Hawshaas lagu soo Afjaro.
Ku simaha Gudoomiyaha Golaha Guurtida ahna Gudoomiye ku Xigeenka 1aad ee Golahaasi Mudane Siciid Jaamac Cali Kana Mid ah Eragada hawshan isu Xilsaartay oo Xarunta Baarlamanka ay Warbaahintu kula Kulantay ayaa Wax laga Weydiiyay halka ay Marinayaan Dhexdhexaadintii ay Gadhwadeenka ka ahaayeen waxaanu Gudoomiyuhu arrintaas kaga Jawaabay “labada dhinac ba waa ay naga aqabaleen ergadii balse waxay naga codsadeen in aanu iyaga Fursad Isu Siino ay ku Wada hadlaan,Labada Qolana labadoodii Gudi ayaanu aragnay,Hawshaasina Meel Fiican ayay Maraysaa Mana rabo inaan ka sii Hordhaco” ayuu Yidhi Ku simaha Gudoomiyaha Golaha Guurtidu.
Labada garab oo dhinac walba laga soo xulay todoba Xildhibaan xubnood oo ka kala socda Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye iyo Xisbiga Mucaaradka ah ee wadani kuwaaso magacyadoodu kala yihiin
Xubnaha Taageersan Gudoomiyaha Golaha Wakiilada :-
1- Xil Ibraahim Mahdi Buubaa,
2- Xil Maxamed Saalax Cige,
3- Xil Saleebaan Cali Koore,
4- Xil Maxamed Cali Xirsi “Obama”
5- Xil Ibraahim Jaamac Cali “Rayte”
6- Xil C/qaadir Jibriil Tukaale,
7- Xil Siciid Cilmi Rooble.
XISBIGA KULMIYE:
1- Xil Saleebaan Cawed Cali “Bukhaari”,
2- Xil , C/raxmaan Cismaan Caalin, ” C/raxmaan Dheere,
3- Xil C/raxmaan Maxamed Jaamac “Loyar”,
4- Xil Maxamuud Obsiiye,
5- Xil Ibraahim Caraale Cabdi ” Ruush”,
6- Xil Axmed Cabdi Kijaandhe,
7- Cali Axmed Diiriye “Cali Gebiley”
Dhex dhexaadinta Golaha Guurtida ayaa Hakisay Xiisad Adag oo Wadnaha farta lagu hayay oo ka dhex qaraxda Kaamboolka Aqalka Baarlamanka,Sidoo kalena Dejisay Xaraaradii Shacabku ay qadiyadan ku eegayeen.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com