|

Laba Wasiir oo Ka Tirsan Dawladda Federalka oo Isku Faro-saari Gaadhay Hawlo Ganacsiga la xidhiidha

xabaddu kaiMuqdisho: Aug-15-2013 (SDN) – Wasiirka Arrimaha gudaha Somalia Abdikariim Xuseen Guuleed, ayuu muran Xooggani dhex maray  Wasiirka Warfaafinta, Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Mr Ciilmooge kadib markii uu ka hor istaagay in Dekadda Muqdisho laga saaro gaadiidka aan xabada karin oo Shirkad madaxbanaan ay dalka keensatay.

Wasiirka Warfaafinta iyo Gaadiidka Mr Ciilmooge ayaa amray inaan Baabuurtaas  oo Tiradoodu dhan tahay tobanka gaadhi aan laga dejin karin Markabka maadama Golaha Wasiiradda Xukumadda Somalia hore u mamnuucday ka ganacsiga Gaadiidka aan xabbada karin.

Wasiirka Arrimaha gudaha Somalia Abdikarim Guuleed ayaa isna doonaya in lasoo dejiyo baabuurta, taasi oo keentay inay labada nin qir iyo qir kala istaagaan, iyada oo uu Guuleed uu Ciilmooge ugu hanjabay inuu xilka waayi doono, haddii uusan fasaxin baabuurta, oo ay wadato shirkad ay isku fiican yihiin Guuleed.

Wasiir Ciilmooge ayaa ku adkeysanaya wali inaan Gaadiidkaas laga dejin karin Markabka, maadaama ay yihiin kuwo aan la isku waafaqnayan ka gacansigooda.

Gaadiidka waxaa iska leh Shirkad ka hoowlgasha Muqdisho, waxaana loo keenay in la sameeyo Shirkad madaxbanaan oo qaabilsan amaanka {Private Security Company.

Khilaafkan ka dhex curtay labadan wasiir ayaan la garanayn meesha uu ku dambayn doono, waxase la filayaa inuu gaadho meelo ka sarreeya labadoodaba.

 

Somalidiasporanews.com

Muqdisho/somaliya

 

Comments are closed