|

Laba Ruux oo Ku Naf waayay Qarax ka Dhacay Magaalada Addis Ababa ee Itoobiya

Addis Ababa 14.10.2014 (SDN)- Qarax ka dhacay magaalada  Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa waxa uu galaaftay nolosha laba ruux iyada oo dowlada dalkaasi ay ku eedeysay in ay ka danbeeyaan weerarkaasi kooxda Shabaab ee Soomaaliya iyo kooxa mucaarad ah oo saldhigoodu yahay koofur iyo koofur bari dalkaasi.

qarax gaalkacyoRaadiyaha afka Itoobiya ku hadla ayaa isaga oo soo xiganaya saraakiil shanka amaanka iyo sirdoonka ah waxa uu baahiyay in labada ruux oo aan wali la garan ay ku dhinteen qaraxa oo ka dhacay degmada Bole

Saraakiisha ayaa waxa ay sheegeen in ay baaritaan wadaan oo ay warka ugu danbeeya soo saari doonaan dhawaan.

Weerarkaani cid sheegatay masuuliyadiisa majirto hasa yeeshee Shabaab ayaa horay waxa ay ugu hanjabeen in ay weerarro badan ka geysayn doonaan dalalka ciidamadu ka joogaan dalka Soomaaliya.

Addis Ababa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed