Laba Qof Ayaa Ku Dhintay Tiro Kalena Way Ku Dhawacmeen Dad Lagu Laayey Degmada Taleex
Hargeysa 21-11-2012-(SDN)Wararka ka imanayaa Gobolka SOOL gaar ahaan degmada Taleex ayaa sheegeya in ay ku dhinteen laba qof halka tiro kalena ku dhaawacmeen waxaana wararku intaasi ku darayaan in ay dilkaasi ka dambeeyaan Ciidamo ka soo jeeda Ismaamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland
Ciidamadda Puntland ayaa la sheegay inay weerar ku qaadeen deegaan hawdka Taleex ah oo ay ku sugnaayeen dadkan ay laayeen oo ahaa reer guuraa, waxayna dadkaasi oo wakhtigaasi meel ku wada sugnaa ku fureen rasaas aan la garanayn waxa keenay, waxaana halkaasi ku qudh-baxay laba nin oo ka mid ahaa dadkii halkaasi joogay, halka ay dhaawacmeen tiro intaasi ku badan, sida uu Ramaas u xaqiijiyey qof deegaankaasi ka soo jeeda oo khadka telefoonka kula xidhiidhay halka dhibaatadani ka dhacday.
Ciidamadda Puntland oo maalmihii u dambeeyay dhaqdhaqaaqyo ka waday deegaanada ku dhow Taleex, ayaa dadkan ay laayeen waxa ay ku kicisay dadwaynaha halkaasi deggan, waxaana bilaabmay in dadka deegaanku hub urursadaan si ay iskaga celiyaan ciidamadda Puntland oo dhibaatada ka wada halkaasi
inta badan deegaanada fogfog ee bariga Somaliland ayaa badana ay ka dhacaan dhacdooyinka sidani oo kale ah ee dadka reer guurayaa ah ay wax yeeleen Ciidamo ka soo jeedo Puntland iyada oo ay dhawaan dhacdani oo kale ay ka dhacday Degmada Xudun ee Gobolka SOOL .
www.Qurbejoog.com Hargeisa