|

Laba Nin oo Soomaali ah oo noqday Wadaado Masiixiya oo Gaarisa lagu Dilay

Garisa Feb 14,2013(SDN)-Waxa dalka Kiinya si weyn looga hadal hayaa dil dhawaan loo geystay laba nin oo Soomaali ah oo qaatay diinta Masiixiga isla markaana noqdey Baaderiyo.

Ururada Masiixiyiinta Kiinya ayaa dilka ku eedeeyay kooxda Al Shabaab oo dagaal kula jirta ciidamada Kiinya oo ka saaray degaano badan oo Soomaaliya ku yaal.

Labada Baaderi ayaa si gaar ah uga dhex shaqeeyn jiray Qaxootiga Soomaalida ee dalka Kiinya ku sugan.

Cabdi Weli iyo nin aan magaciisa la sheegin ayaa diinta masiixiga qaatay sagaashamaadkii.

Urur ay masiixiyiintu leeyihiin oo la yidhaa International Christian Concern (ICC) ayaa dawlada Kiinya uga digay wax ay ugu yeereen khatarta mintidiinta Soomaaliya.

“Dhacdadani waxa ay sawir ka bixineysa khatarta ay Kiinya ku sugan tahay,mintidiinta Islamiga ah ee Soomaaliya waxa ay ka ku sugan yihiin gacantana ku hayaan qeybo ka mida Kiinya,waa in Kiinya khatartan wajahdaa ama iska indhi tirtaa”ayaa lagu yiri war ay soo saareen ICC.

ICCdu waxa ay sheegeen in Shabaabku ay adeegsadaan dad hore u ahaa masiixiyiin oo ay ka dhaadhiciyeen in dagaal Jihaada ay ku qaadaan masiixiyiinta.

Qaraxyo soo noqnoqdey ayaa ka dhacayay macbadyada iyo Masaajida dalka Kiinya in muda ahba.

Weerarada ayaa u muuqday qaar weerar iyo rogaal celisa waxaaney sababeen in Soomaali faro badani ay dib ugu noqdaan dalkoodii.

SDN-Garisa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed