|

Laba Nin Oo Afka Soo Duubtay Oo Doonaayey Inay Toogtaan Guddoomiyahii Wergeyska HUBAAL Maxamed Cabdi Jaamac Caloolay Oo Sababay Inuu Dhaawacmo Iyo Mid Ka Mid Ah Oo La Qabtay

Hargeysa 25April 13(SDN) Guddoomiyahii  wergeyska madaxa banaan ee HUBAAL ayaa la gaadhsiiyey dhaawac waxaana xaruntii wergeyskaasi lala dhacay rasaas ka dib markii laba nin oo afka soo duubtay oo ku hubaysan baaskoolado iyo hubka fudud ay abaaro 21:00 habeenimo weerar ku soo qaadeen xarunta wergeyska oo ku taalla agagaarka hotelka Togdheer una dhaw laagta Goljano ee caasimadda Hargeysa.caloolay

“Waxaan maqlaayey rasaas iyo qaylo ka dhacday xarunta wergeyska, inyar ka dibna waxaanu aragnay laba nin oo ka soo baxaya kolna ku noqonaya afaafka hore ee xarunta wergeyska, dabadeedna haddana waxaa si daran doori ah loo riday rasaas nool markaasan gartay in weerar lagu soo qaaday .

markii weerarku dhacay ayaa labada nin ee weerarka soo qaaday oo aad u jahawareersani waxay isku dayeen inay baxsadaan balse mid ka mid ah ayaa waxaa gacanta ku dhigay dhalinyarada xaafadda Goljano oo ka qaaday baskooladdii uu watay isla markaana ku wareejiyey ciidamadda Booliiska.

Guddoomiyaha wergeyska HUBAAL Maxamed Cabdi Jaamac Caloolay ayaa muddaba waxaa ay henjabaado kaga imanayeen xubno ka tirsan xukuumadda Siilaanyo oo nidar ku maray inay dilayaan wqxa dhawaan edayn u soo jiday gudoomiyaha shabakada somalilandtoday ahna wariya ka hawl gala tvga qaranka somalilnd Muniir Axmed Cigaal.

qurbejoog.com, Hargeysa

 

Comments are closed