|

“Laba Mid Buu Noqonayaa inuu yahay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye iyo inuu Yahay Madaxweynaha J.S.L oo Keliya ,Ma noqon karaan isaga iyo Saylici Xubno Caadi ah” Boobe Yuusuf {DHAGAYSO & DAAWO}

Hargaysa 24.May 2014 (SDN/QJ)- Wasiirkii Hore ee Wasaarada Warfaafinta Mudane Boobe Yuusuf Ducaale ayaa Maanta Si Cilmiyaysan uga Hadlay Khilaafka Mar kale ka dhex qarxay Xisbiga Kulmiye kaas oo uu ku tilmaamay Mid huursanaa oo aan Si dhab ah loo xalin.

Boobe Yuusuf Ducaale Waxa uu daadifeeyay Go’aankii Gudida Shirgudoonka Shirweynaha 3aad ee Xisbiga Kulmiye oo uu ku sifeeyay Mid aan Sharciyada Waafaqsanayn isla markaana aanay awood u lahayn waxaa kale oo uu duray dhawaqii Hogaanka Xisbiga Kulmiye Shalay ka soo Yeedhay oo uu Xusay inay Ogaayeen Hawsha ay Mudada Bisha Ku dhow Gudidani gacanta ku hayeen kana hadli waayay mudadaas.

GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO HADALKA BOOBE YUUSUF DUCAALE
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/BoobeMaanta24m.mp3″]
Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed