Laba Maalmood oo Kala Duwan 2009 Iyo Dareenka Madaxweyne Siilaanyo iyo Mawqifka Maanta DAAWO
Hargeysa:Mar,19,2015(SDN/QJ)-Waxa sii gurmaya maalmihii xilliga sagootiska ku jira, Waxa soo siqaya dharaarihii millayga cusub ee soo dhawayntiisa loo diyaar garoobayo. Amintu waa kala guur wadeeco iyo waxyeelaba wax saarkeeda laga toog hayo.
Fooldhabashada xiddigaha, wareega meerayaasha iyo godadka dayaxu u kala gudayaana, qadar Eebbe weeye. 23 sanno oo go,doomin ah Somaliland weli way nooshahay, keligeed is deberaysaa, laakiin, haddana, waqti iyo wax saarkii ma werwer la,a maanta. Maalinba cashar hore u soo maray ayaa dib loogu celinayaa. Maalinba filim ay hore u soo daawadeen ayaa dib loogu shidayaa. Nidaam kastaaba dhaqankii hore mid ka sii xun buu barayaa, Xannuunada hayaana way tiro bateen. Marka hore iska eeg oo iska hubi qofkaad wax u dhiibanayso ma taqaano, balse ku boob oo rid marka dambe hiddaheedu weeye. Ka daba tag mooyee, ka hor tag ma jiro. Sidaas oo jirta misana, damqashada dareenku ma yara, gilgilashada garaadkuna goblan maaha bulshada dhexdeeda, haddana, horma saarto iyo callool baa dishay, quustuna waa geeri, oo nolosha waa ka xaaraan.
Ilaa iminka Xukuumada ayaan ka Jawaabin dalabka Mucaaridka ee in Miiska Wada hadalka la isugu yimaado ka hor inta aan la gaadhin 26 June, oo Wakhtigii Xukuumada la doortay uu ku eeg yahay laguna lamaaneeyay Doorashada Wakiilada oo Toban Jirsaday.