|

Laba Kamid ah Hoggaanka Kooxda Al-shabaab Oo Lagu Daray Liiska Argagixisada Caalamiga ah

Washington:April,22,2015(SDN/QJ)-Xukuumadda waddanka Maraykanka, ayaa liiska dadka ay argagixisada u taqaano ku darday laba hoggaamiye ka mid kooxda Al-shabaab, kuwaas loo arko inay yihiin xubnaha ugu halista Badan kooxdaa.

lecoHoggaamiyaha Al-shabaab Ahmed Diiriye oo loo yaqaano Abu-Cubayda iyo Abdirahim Maxamed Warsame oo caan ku ah Mahad Karate ayaa lagu daray liiska xubnaha argagixiisada, qoraal kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka  salaasadii shalay, ayaa lagu sheegay.

Labada xubnood ayaa sidoo kale xanibaad lagu soo rogay hantidooda iyadoo sidoo kale sharciga cusub uu sidoo kale u fasaxaayo Mareykanka in uu talaabo ka qaado dadka xidhiidhka la leh.

Ahmed Cubayda ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay al-Shabaab kahor inta aanu noqon hoggaamiyaha kooxda, waxaana uu la taliye sare u ahaa Ahmed Godane, hoggaamiyihi hore oo weerar duqeyn ah lagu dilay.

Mahad Karate ayaa isagu kamid ah xubnaha ugu firfircoon qeybta amniyaatka, waxaana la aaminsan yahay in uu yahay kuxigeenka kooxda, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka.

Talaabadan ayaa imanaysa xilli kooxda al-Shabaab ay kordhisay weerarada ay ka geysanayso Somaaliya iyo wadamada deriska gaar ahaan Kenya.

Al-Shabaab oo xidhiidh la leh Al-Qaacida ayaa hadda weerarooda u weeciyey goobaha jilicsan oo aan wax ciidan ilaalinin, iyadoo weeraradooda lagu tilmaamay kuwa ‘’bahalnimo’’.

Mareykanka ayaa sanadkii 2008 liiska argagixiisada ku daray ururka al-Shabaab, iyadoo wixii xilliga ka dambeeyey weeraro ku qaaday saldhigyada iyo saraakiisha sar sare ee al-Shabaab.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed