|

Laba Ka Mid ah Fannaaniinta Sida Weyn Looga Jecel Somaliland Oo Isku Gacan Saaray Dhuuni-raacnimo ay Madaxtooyada Dhexdeeda Kaga Ugaadhsadaan

Hargeysa:23-March-2014(SDN)-Labada Fanaan ee Somaliland Dhexdeeda Aadka Looga Jecel yahay ee Nuur Daalacay iyo Sir Maxamuud Cumar Yare, ayaa Gacan ka Hadal ku Dhex Maray Lacago faro guudkood ah oo ay Madaxtooyada ka qaateen si Barnaamijyo ii dheh ah loogu sameeyo.

daaa;Labadan Fannaan oo ah kuwa qubejoog ah balse inta badan ku Milmay Dhadhamada  Madaxtooyadu  ku Bixiso Maqashiinta Bulshada waxqabad indhahoodu waayeen, ayaa Ugu dambayntii isku Seegay Waxoogaagaas ay Halkaas ka qaataan, waxana Dhex maray Gacan ka hadal keenay xilli ay joogeen Goob Fagaare ah oo ilyartu is qabatay.

 

Fannaaniintan oo Codkooda iyo Heesahoodaba si weyn looga Jecel yahay Guuud ahaan Somaliland, ayaa Caado ka Dhigtay inay Ka soo Tagaan Shaqooyinkii ay Yurub ka Hayeen, waxana ay Hoy ka dhigteen Aqalka madaxtooyada iyo inay Heeso ku Muujiyaan Tallaabo kasta oo Xukuumaddu doonayso inay Dadka dhegahooda wax kaga dhaadhiciso.

Shacabka  Somaliland gaar ahaan Dhallinyarada Sida weyn u jecel labadan Fannaan ayaa markii horeba ka Biyo Diidsanaa Habka ay shaqada ka dhigteen, iyagoo Guulwadayntaasna ku Lumiyey Taageeryaal Badan oo u jeclaan lahaa inay Dhexdhexaad ahaadaan oo aanay Buunbuunin Meel aan wax badan laga qaban, isla-markaana aanay ka qaybqaadan Barobagaandhe Dadka wax aan dhicin lagaga dhaadhicinayo.

Sawirro la qaaday xilligii ay labadan Fanaan isku dhaceen ayaa muujinaya inay si kedis ah u kulmeen oo ay markii horeba is daydayayeen, waxana  Muuqaalo laga duubay  laga dhex arkay igayoo si weyn isu af Legaadaynaya oo si gaar ah iskugu caaya Dhuuni raacnimo iyo wax la mid ah.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed