Laba Dil oo Maanta iyo Shalay ka Dhacay Magaalada Laascaanood iyo Booliska oo ka Hadlay {DHAGAYSO}
Laascaanood 21.April 2014 (SDN)- Waxaa Maanta iyo Shalay ka Dhacay Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool laba dil oo Mid ka Mid ah lagu Khaarajiyay Askari ka Tirsan Ciidanka Booliska oo lagu magacaabo alle ha u naxariistee Marxuun Marxuun C.qani Faarax Jaamac Kaas oo uu Khaarajiyay Gacan ku dhiigle C.naasir Axmed Maxamed .
Sidoo kale Waxaa Maalintii Shalay ka Dhacay Laascaanood fal dil ah oo lagu Khaarajiyay Marxuun la Odhan jiray Axmed Cabdi raxmaan Yuusuf Kaas oo uu dilay Gacan ku dhiigle Nuur Maxamed Aadan
Cabdiraxmaan Col haye oo ah Taliyaha Ciidanka Booliska ee Gobolka Sool ayaa Labadan dhacdo ka hadlay .
GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO HADALKA TALIYAHA QAYBTA BOOLISKA
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/TaliyahaBooliskaSol21.mp3″]
Laascaanood SDN.