Laasqoray: Taliyaha ciidanka Xeebaha ee gobolka Sanaag oo ka hadlay iska-horimaad dhexmaray ciidankooda iyo Maraakiib shisheeye
Ceerigaabo 01, June 2012 (Qurbejoog.com)- Taliyaha ciidanka ilaada Xeebaha Somaliland ee gobolka Sanaag Mr. Maxamed Yuusuf Otor, ayaa ka hadlay iska-horimaad khasaare dhaliyay oo dhexmaray cutub ka tirsan ciidanka Xeebaha iyo laba markab oo shisheeye ah.
Sida uu taliyuhu sheegay, iska-horimaadkaasi waxa uu ka dhacay xeebta degmada Laasqoray ee bariga gobolka Sanaag, wuxuuna sheegay in maraakiibtaas shisheeye oo ay hal xafaarad oo wehelisay ay sida la sheegay ku hawlan yihiin macdan ay ka guranayaan xeebtaas.
Mr. Otor waxa uu sheegay in rag hubaysan oo ajaanib ah oo maraakiibtaas guudkooda saarnaa ay rasaas ku bilaabeen ciidan ka tirsan kuwa ilaalada xeebaha ee gobolka Sanaag. “Maraakiibtaasi waxay ilaa hadda u socoto ma garanayno, laakiin waxa la leeyahay waa maraakiib u socota inay qaado dhagaxaan iyo wax la mid ah, horena sahan baa loogu sameeyay,” ayuu yidhi Taliyaha ciidanka ilaaladda xeebaha Sanaag oo warbaahinta u waramay.
Waxa uu sheegay in hal askari kaga dhaawacmay ciidankooda, halka dhinaca kalena la sheegay in dhawr qof kaga dhaawacmeen dhacdadaas. “Cutub ka tirsan ciidanka ilaaladda Xeebaha ayay is heleen, anagga hal askari baa iska horimaadkaas nagaga dhaawacmay,” ayuu yidhi. Wuxuuna intaa raaciyay; “Nimanka ajanibiga ah baa anaga nalaga dagaalamayay maraakiibta gudahooda.”
Sidoo kale, waxa uu sheegay in maraakiibta ajaanibka ah aan la garanayn dalka laga leeyahay, isla markaana ay haatan ku sugan yihiin meel u dhow degmada Laasqoray ee gobolkaas.
Taliyuhu waxa uu sheegay in maraakiibtaas ajaanibka ahi ku soo rideen hub culus, kuwaasoo uu tilmaamay in dad ajaanib ahi ridayeen.
Qurbejoog.com, Ceerigaabo