Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Somalia Oo Saartay Tallaabooyin Shacabka Soomaaliyeed U Riyaaqeen
Muqdisho:Oct,25,2014(SDN/QJ)-Laanta socdaalka iyo Jinsiyadaha somalia, ayaa soo saartay Go’aanno loo riyaaqay oo wax ka taraya Caafimaadka Gebi ahaanba Bulshada somaliyeed.
Hogaanka Laantani waxa uu shaaciyay in la baadhayo dhamaan dadka kasoo dagaya garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho si loo hubiyo caafimaadka , kuwaasi oo ka koobandadka ajaaniibta iyo dadka Soomaalida ee safarka ku imanaya dalka.
General C/laahi Gaafow Maxamuud ayaa sheegay in hubinta dadka ajaaniibta ah ay tahay mid u wanaagsan caafimaadka dalka Soomaalida, sidaasi daraadeedna ay si wanaagsan ula socon doonaan.
Wuxuu sidoo kale Mr Gaafow uu sheegay in laamaha amaanka ay yeelan doonaan shir amniga loo hadlayo kaasi oo looga hortagyao cudurka Ebola.
Xukuumadda Federalka somalia, ayaa dedaal badan ugu jirta intii itaalkeeda ah inay ka hortagto cudurka Ebola, balse somaliland wali hal tallaabo uma qaadin sidii xanuunkan looga hortegi lahaa, waxana shacabka reer somaliland ay qabaan shaki badan oo isa soo taraya.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com