|

Laanta Socdaalka ee Somaliland oo Xafiis ka Furatay Deegaanka Ina Guuxa ee Xadka Somaliland iyo Itoobiya

Hargaysa 06.June 2014 (SDN/QJ)-Taliyaha Guud ee Ciidanka Laanta Socdaalka Somaliland Gaashaanle Sare Maxamed Cali Yuusuf “Ina Canbaro” oo ay Weheliyaan Saraakiil ka Tirsan Laanta Socdaalka iyo Xildhibaano ka Mid ah Golaha Deegaanka ee Magaalada Sallaxley ayaa maanta Kormeer Shaqo Ku Tagay Deegaanka Ina Guuxaa ee Xadka Somaliland iyo Itoobiya iyadoo uu Taliyuhu Xadhiga ka Jaray Dhisme loo sameeyay laanta Socdaalka .

Photo File

Photo File

Taliyaha Guud ee Laanta Socdaalka Gaashaanle Sare Maxamed Cali Yuusuf Waxaa Kormeerkan ku Wehelinayay Xildhibaan Naasir Cabdi Iimaan,iyo Mudane Aadan Cabdi Gahayr oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Deegaanka ee Sallaxley iyo Saraakiil kale.

Taliyaha Guud ee laanta Socdaalka oo Khadka Telefoonka ugu Waramayay Shabakada Qurbejoog ayaa Sheegay in Dhismahan uu Xadhiga ka jaray ay ugu Talo galeen Xafiiskii Laanta Socdaalka ee deegaanka Ina Guuxaa,Waxaanu Xusay inay Si fiican u qalabeeyeen isla markaana ay Geeyen Hawl wadeenadii Laanta Socdaalka ee Ka Hawl galayay .

Gaashaanle Sare Maxamed Cali Yuusuf Waxa uu Xusay in Xafiiskani uu kaalin Weyn ka Ciyaari doono Sidii uu u fududayn lahaa dadka isaga Kala Gudbaya labada dal,Halka uu dhinaca kalena Sheegay inuu Xakamayn doono dadka iyo Gaadiidka Sifaha Sharci darada ah labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya u galaya.

Taliyaha Guud ee Ciidanka Laanta Socdaalku waxa uu sheegay oo kale in dhanka Dawlada Itoobiya ay hada bilaabeen sidii ay iyana Xafiis kan oo kale ah uga furan lahaayeen deegaanka Ina Guuxaa.

Maxamed Cali Yuusuf Ina Canbaro waxa uu Intaas ku ladhay inay Kulamo la qaateen Qaybaha kala duwan ee Bulshada Deegaankaas isla markaana ay ku baraarujiyeen Waxqabadyada dhinacyada kala duwan leh ee Xukuumada uu Hogaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ay Dalka Ka Wado waxaa kale oo uu Xusay inay ku Guubaabiyeen dadweynaha deegaankaas sidii ay wada Shaqayn fiican ula yeelan lahaayeen Laamaha amaanka ee Qaranka .

Geesta kalena Xildhibaan Naasir Cabdi Iimaan,iyo Mudane Aadan Cabdi Gahayr oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Deegaanka ee Sallaxley ayaa dhankooda soo Dhaweeyay Dhismahan uu Taliyaha Laanta Socdaalku Xadhiga ka Jaray Waxaanay intaas ku dareen in Raxmaad lagu qabawsaday uu maanta ka da’ay Jiida Deegaankaas.

Waa markii Kowaad ee Laanta Socdaalka ee Somaliland ay Xafiis ka Furato Deegaanka Ina Guuxa ee ku yaala Xadka ay Wadaagaan Somaliland iyo Ithobiya .

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed