Laambaddii Kasii Bidhiiqaysay Taariikhdii SNM Oo Sii Demaysa, Xuska Aasaaskoodii Oo Maanta Ku Beegan Iyo Xukuumadda Oo Aan Soo Hadal qaadin Wali
Hargeysa:06-April-2014(SDN)-Waxa Maanta oo ay Bisha April 6-tahay ku Beegan Maalintii la Aasaasay Mujaahidiinta Sababtay Dib u xorayna somaliland ee SNM, Balse Jawigu Ma aha mid ka Turmumaya Qiimaha ay Maalintaasi lahayd.
Xukuumadda Maanta Talada Haysa oo uu HOrmood u yahay Mujaahid Axmed Siilaanyo oo Hormoodkii SNM ahaa, ayaan Haddana muujinin Qiimihii ay dharaartaasi Lahayd, iyadoo aanay Muuqanin wax astaan Dabbaal deg ah ama dadka lagu xasuusinayo oo ilaa iyo Hadda la qaaday.
33-guurada ka Soo wareegtay Maalintaas Qiimaha leh ayey Xukuumaddu kaga mashquulsan tahay Arrimo aan sidaas u Buurnayn, iyadoo aan wali ka Hadlin amaba wax war ah aan ka soo saarin si dadka loo xasuusiyo Qiimaha ay bulshada ku dhex lahaayeen midhihii Aasaaskaas ka dhashay.
Ma aha Xukuumadda oo kaliya balse Axsaabtii Mucaaridka ahayd, ayaan iyaga Qudhoodu soo Hadal Qaadin Dharaartaas, waxana ay yihiin kuwo wali Aamusnaan ku jawaabaya.
Dadka qaar ayaa aaminsan inaanay xukuumaddu wax xus ah ugu talo telin Dharaartan, iyadoo xilliyadii ay mucaaridka ahayd ku Gooddiyi jirtey in lumiyey Ayaamo qaranka qiimo weyn ku lahaa oo ay Maalintani ku jirto, balse Boodhkii iyo dhaskii ayaantan saarnaa wax ay ku sii Darto mooyaane waxba kama ay sii qaadin.
Mujaahid badan oo ka Nool Ururkii SNM oo maanta oo xilal haynin, amaba la Go’doomiyey ayaa iyaguna Dibinta Hoosta ka Cunaya, iyagoo ka Murugaysan Sida loo qiimo tiray Dharaartaas Nabaddan iyo macaanka Siilaanyo Xukunka ku haysto Ka Dhalatay.
Tan iyo intii Xukuumadda Kulmiye Xukunka qabsatay waxa sii Lumayey Taariikhda Ururkii SNM oo markii loo malaynayey inay Dib u soo Noolaanayso, balse Taas Beddelkeeda kaliya waxa la Arkay in kooxo Madaxtooyada ka Agdhawi ay si weyn dagaal ugula jiraan Baabi’inta Taariikhdii ay umaddani lahayd.
S.D.N
Conact@somalidiasporanews.com