La Taliyaha Madaxweynaha ee dhanka Doorashooyinka Abees oo u Jawaabay Dr Gaboose
Hargeysa April 18,2012(SDN)-La taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Doorashooyinka Maxamed Muuse Abees oo shir jaraa’id Maanta ku qabtay huteelka Imperial ee Caasimada Hargaysa ayaa jawaab ka bixiyay hadalo ka soo yeedhay Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka Umada Dr.Maxamed Cabdi Gaboose oo canbaarayn dusha uga tuuray Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud “Siilaanyo”
La taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha doorashooyinku waxa uu xusay in Gudoomiyaha urur siyaasadeedka Umadu aanay ahayn markii u horaysay ee uu eedayn waxba kama jiraan ah u soo jeediyo Xukuumadii uu Wasiirka Arrimaha Gudaha ka soo ahaa, isagoo sheegay in Dr Maxamed Cabdi Gaboose uu caado ka dhigtay inuu bulshada Somaliland ka dalbado Cafis afka baarkiisa ah , Waxaanu tusaale u soo qaatay xiligii dawladii Marxuun Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal eebe ha u naxariistee oo uu Wasiirka Arrimaha Gudaha isagoo wakhtigaas markii xilka laga qaaday ummada ka dalbaday ayuu yidhi inay cafiyaan mudadii uu dawladaas la shaqaynayay.
La taliyuhu waxa uu tilmaamay Markii madaxweynaha Somaliland la wareegay tallada dalka 27-kii bishii July 2010-kii wuxuu maalin ka dib Dr. Gaboose u magacaabay kuna maamuusay ayuu yidhi Wasiirka Wasaarada daakhiliga oo ah Wasaarad murayad iyo halbowleba u ah dawladnimadda isaga oo Madaxweyne Siilaanyo wakhtigaas uga godob galay sida uu xusay Siyaasiin faro badan oo si kasta ugaga xaq lahaa xilkaas , Mr Abees waxa uu intaas ku daray in kursiga isaga loo magacaabay ay ahayd halka ay ka dhalatay tabashada iyo cadhada fogeysay C/raxmaan C/qaadir.
Maxamed Muuse Abees waxa uu Xusay in Dr Maxamed Cabdi Gaboose uu ahaa shakhsiyaadkii Madaxweyne Axmed Siilaanyo uu u fuliyay damacoodii ku aadanaa furashada ururada siyaasada waxaanu intaas ku daray inuu ka mid ahaa oo kale xubnaha ugu dhaw dhaw Madaxweynaha ee uu mar walba tixgeliyo talooyinkooda .
La taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha doorashooyinku waxa uu cadeeyay in hadalada xajiinta siyaasadeed ka dhadhamayso ee ka soo yeedhay Dr. Gaboose aanu ku helayn wax taageero siyaasadeed ah
SDN-Hargeysa