|

“Kuwa weeraray danaha Mareykanka way carari karaan balse ma dhuuman karaan” Xoghayaha arrimaha dibada Maraykanka

Washington 06.October 2013 (SDN)- Xog-hayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka John Kerry ayaa sheegay in kumaandooska Mareykanka ay weerareen guri ku yaalla magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose si ay u qabtaan xubno sare oo ka tirsan Al-Shabaab oo aan la magacaabin.

John-Kerry-300x168Hasa yeeshee, Kerry waxa uu qiray in howlgalku uu fashilmay kaddib markii ciidanka gaarka ah ee Mareykanka ay iska caabbin xooggan kala kulmeen maleeshiyada Al-Shabaab.

Kerry waxa uu caddeeyay in dowladda Mareykanka aysan waligeed joojin doonin dadaalladeeda ku aaddan qabashada kuwa mas’uulka ka ah falalka argagaxisannimo.

“Kuwa weeraray danaha Mareykanka way carari karaan balse ma dhuuman karaan”, Kerry ayaa u sheegay wariyeyaasha isagoo ku sugan dalka Indonesia oo uu uga qeyb-galayo shir madaxeedka qaaradda Asia.

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Mareykanka ayaa dhinaca kale howlgal la mid ah kii Baraawe waxay ka geysteen dalka Libya, waxayna ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan hoggaamiye ka tirsan Al-Qaacidda oo lagu magacaabo Abu Anas al-Liby oo loo haysto qaraxyadii safaraadaha Mareykanka uu ku leeyahay Kenya iyo Tanzania ee dhacay sanadkii 1998.

Anas al-Liby waxaa lagu qabtay caasimadda Tripoli.

Washington SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed