Kumuu ahaa Jihaad Doon Cumar Xammami(AL Amriki) intaanu Shababka ku Biirin ?
Muqdisho April 17,2012(SDN)-Ninka Jihaad doonka ajaanibka ah ee ku biiray Al Shabaab ugu caansan ee Al Amriki ayaa waxa soo baxday in uu yaraantiisii ahaa ruux ka fog diinta uu iminka magaceeda dadka ku leynayo.
Cumar Xamammi ayaa ku dhashay dalka Mareykanka iyada oo hooyadii ay tahay haweeney masiixi ah aabihiina uu yahay nin asalkiisu ka soo jeedo Siiriya.
Cumar ayaa yaaraantiisii la sheegay in uu ahaa wiil Dugsigii sare ee uu ka baxay caan ka ahaa oo kubadda noocyadeeda kala duwana ciyaara.
Sidoo kale waxa dhalintii ay Dugsiga Sare wada dhigteen ay sheegeen in uu saaxiib la ahaa ama uu la bixi jiray gabadha Dugsiga ugu qurucda badneyn.
Cumar ayaa waxa noloshiisa wax ka bedelay safar uu ku tegay dalka Siiriya oo uu si weyn ugu kuur galay nolosha aabihii uu ku soo koray.
Intaa ka dib waxa la sheegay in uu bedelay dhankasta noloshiisa oo uu u janjeersaday dhanka diinta Islamka.
Waxaanu intaa ka dib bilaabay in uu dhalinta saaxiibadii ah baro Diinta Islamka si ay u soo galaan diinta.
Cumar Xammami ayaa difaaci jiray Osama Bin Laden ka hor intaaney Al Qaacida weerarin Mareykanka,ka dibna saxaafada Mareykanka ayaa ka wareysan jirtay umuuraha Islamka.
Saraakiisha Amniga ee Mareykanka ayaa iminka baaraya in ay dhab tahay in Al Amriki ay saaxiibadii Shabaabku ay gowraceen dhawaan.
Saxaafadda Soomaalida ayaa daabacay xogo ku saabsan dilka Xammaami.
SDN-Muqdisho