Kumaa ka danbeeyay xariga Mustafe Martin Yaase Xabsiga ka sii daayay?
Hargeysa January 22, 2023 (QJ) Waxa dhawaan magaalada Hargeysa lagu xiray dhawr maalmood Mustafe Martin oo booqasho uu fasax u heystay ku tagay Somaliland.
Mustafe oo hore u sheegtay madaxweynaha Somaliland, mucaaridnimona lagu yiqiinay ayaa intii ka danbeysay kulan ay Minneapolisku yeesheen Fanaanada Nimco Degan u muuqday in uu isbedel ku yimi mawqifkiisii.
Hadaba dhawr cisho uun kolkuu joogay Hargeysa ayaa Martin si kedis ah loo xiray, xadhigiisa iyo cida siideysay ayaa aad loogu dawakhay.
Ilo xogogaal u haa xadhiga ayaa noosheegay in Mustafe oo ay hore xurguf shakhsi ugu dhaxeysay agaasimmaha Madaxtooyada Maxamed Cali Bile oo bixiyay amarka lagu xiray Martin.
Xariga ayaa la sheegay in uu ka careysiiyay xubno sare oo ka tirsan Heego oo arinka uga cawday Axmed Muuse Biixi oo ay ogaayeen in au xurgufi ka dhexeyso Agaasimaha.
Xogaha na soo gaaray ayaa intaa raaciyay in Mustafe Martin oo Heego Hargeysa ugu casuuntay si looga horgeeyo xisboga Waddani ayaa sidaa ku sii daayay maxbiiska.
Dad badan oo reer Somaliland ah ayaa dareensanaa jiritaanka wanjalka balse dhinacyo kala duwan u saarayay xadhiga Mustafe Martin.