Kulmiye oo martigelinaya Shir dawlad wanaaga iyo amniga ka hadlaya iyo yaabka shicibka
Hargeisa(QJ) – Waxa maanta magaalada Hargeysa laga furay Kulan la sheegay in looga hadlayo nabada iyo dawlad dhiska, xili ay magaalada la ciirciireyso khilaaf siyaasadeed oo salka ku haya dawlad xumo iyo carqaladeyn doorashooyin.
Kulanka oo lagu sheegay in uu yahay mid caalami ah ayaan hadana jirin dawlado ka soo xaadiray iyo cid kale oo ka madax banaan dad ay xukuumada Muuse Biixi ay arimahan mushahar ku siiso.
Shirka ayaa waxa isku soo dubo riday shirkad reer Koonfur Africa ah oo la yiraahdo Brenthurst oo uu hor kaco nin la yiraahdo Dr. Greg Mills.
Sidoo kale waxa lagu soo casuumay rag iyo dumar la sheegay in ay ka soo jeedaan ilaa 17 dal.
Shirkan oo hore loogu qaban jiray dalalka galbeedka Africa ayaa ah markii u horeysay ee lagu qabto Geeska Africa, sida ay ku faaneen madaxda Somaliland.
Shirkan oo muhiimadiisa leh ayaan lagu casuumin dadka u ehelka ah mowduucyada lagu soo bandhigayo shirka.
Sidoo kalena Waxaan shirka ka xaadirin Axsaabta qaranka ee haatan wejahaya caqabadaha doorashooyin iyo kuwa maamul xumo.
Shirkan ayaa ku soo beegmaya xili hanaankii dimuqradiyad iyo kii doorashaba ay hoos u dhac baahsan soo wejeheen, isla markaana laga cabsi qabo in nabedgelyo baahsani dalka soo foodsaarto.
Caqabadahn oo idil oo ay wado xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo madaxweyne Biixi ayaa dalka u horseedi karta cawaaqib xumo.