|

Kulmiye oo kulmiyay laba reer”SACLO”

Waagii hore ee Somaaliya la joogay waxa jiri jiray shariikado ka dhexeeyay laba dal, sida Somaliya iyo Liibiya ama Romaniya, shariikadahaa waxa magacoodu sifayn jiray labada dal ee mulkiyadaasi ka dhexayso sida; LIBSOMA ama ROMSOMA. Malaa yaab ayay idinku noqon doontaa hadii aad barri maqashaan xisbiga SACLO. Kalmadani waa xarafyo laga soo qaatay labada mulkiile ee ku bohoobay xisbiga. Waa saddexda xaraf ee u horeeya SACadmuse iyo saddexda xaraf ee u dambeeya habarjeCLO.

     

  Akhristow, maahmaah Somaaliyeed ayaa tidhaa ninka aan waxa jooga garanini waxa so socdana ma garto. Hadii aanad ogayn jiritaanka xisbiga SACLO , Xume iyo samo tuu soo wadana ma garan kartid. Bal hada dhan kale aan kaa tuso; Bur-burkii Somaliya maxa sababay? Dadka qaar ayaa u haysta markii xadhiga, dhaca iyo xabadda lagula kacay dadka ka soo jeeda Somaliland ayaa SNM iyo dib u xorayntu ay bilaabantay. Maya! Ismaan-dhaafka Somaliya iyo Somaliland waxa u bilaabmay 1st July 1960. Waa markii labada beelood ee Hawiye iyo Daarood ku heshiiyeen ‘ADNA MAR ana MAR. Markii ay bilaabantay waxa Prof. A Samatar ugu yeedhay Duopoly. Kolay hore waad u taqaanay kalmada Monopoly oo ah in cid kaliya loo daba fadhiisto arrin kasta, hadii ay tahay wax la iibinayo iyo hadii ay tahay masiir ummadi leedahayba. Hadaba Duopoly waa marka laba u shuraakoowdo in ay ka turjumaan arrimo ummadi wada leedahay.

 

Wallee wax aan yarayn baa inagu dhacay; Kulmiye waxa turxaan saarkiisa loo doonay laba xul-odayaad oo ka kala socda labada beelood. Qodh iyo xero qayb waxa hogaaminaya Saleebaan Gaal ( hada waa Gudoomiyihii baarlamaanka– Anagaa balaayo aragnay, oo isna xaguu ka soo galaa arrimaha xisbiga Kulmiye). Qolyahayagii saxaafada oo naloo diiday inaanu galo xafiiskii Kulmiye ee shirku ka socday ayaa waxa nagu so biiray laba nin oo askari dabada ka wado loona diidan yahay inay galaan xafiiska, waa Xasan Siciid iyo Jaamac Shabeel, hada waa xoghayihii xisbiga iyo xoghayihii golaha dhexe. Yaab Illlaahay noo keen, markii an aragnay labadii nin oo nala hadhsaday geed dibada ku yaalay oo ka dhur sugaya wixii war ah ee ka soo baxa. Laba inan oo saxaafada ka mid ah ayaa hadal is waydaarsaday; Mid ayaa kakale ku yidhi ‘ waar miyaan waxa shirayaa kulmiye ahayn, sowtan madaxdii Kulmiye inala fadhida? Kii kale ayaa u jawaabay oo yidhi ‘ Maya e, xisbi laba reer ay leeyihiin ayaa shiraya, labadan nin ee inala fadhiyana xisbiguun baa lagu qurxistay ee midkoodna wax ma gudoomiyo.

 

 

Wax kaloon ku soo xidho maqaalkan ma garanayo aan ahayn; Alla kala fogaa Dariiqii u AHN Cigaal u jeexay ummadan iyo Dariiqan axmad noo hor seedayo.

 

Dhamaad

Qalinkii: Amiin Khadar

 

Comments are closed