|

Kulmiye oo ku baaqay in Sharciyada lagala noqdo Mucaaridka

Hargeysa November 19, 2022 (QJ) – Xisbul xaakimka Somaliland ee Kulmiye, ayaa kulan maanta ay Hargeysa ku yeesheen ka dib shaaciyay in xisbiyada mucaaradka ay lumiyeen sharciyadoodii, kadib markii ay dhawaan ku dhawaaqeen in ay kalsoonida kala noqdeen xukuumada.

Xogeeyaha Guud ee Xisbiga Kulmiye Faysal Cabdiraxmaan Madar, oo hadlay shirka guddida fulinta xisbigaa oo uu madaxweyne Biixi shir-guddoominayay ka dib, ayaa goaanka xisbiga saxaafada la wadaagay.

“Xisbiga Kulmiye waxa uu hadalkii kasoo yeedhay xisbiyada mucaaradka ku tilmaamay miq qayrul-dastuuri ah oo qaran jabin ku ah qaranka, sidaa awgeedna anay qaranka ku lahayn xuquuq sharci” ayuu yidhi Cbdiraxmaan Madar.

Xisbiga Kulmiye ayaa intaa raaciyay digniin ay ka digeen in dulqaadka madaxweynuhu aanu waxyeelo u geysan shuruucda dalka.

Xibiga talada dalka haya ee Kulmiye ayaan bulshada u sheegin shariciga ay u xiganayaa in xisbiyo qaran oo la mida ay xukuumadu sharciyada kala noqon karto.

 

Comments are closed