Kulmiye oo Beeniyay inay Go’aamo ka soo baxay Gudida Fulinta ee Xisbigaas u Gudbiyeen Madaxweyne Siilaanyo
Hargaysa 13.Nov 2013 (SDN)-Xisbiga Kulmiye ayaa War Qoraal ah oo ay soo saareen Waxay Ku beeniyeen War lagu faafiyay Wargayska Waaheen ee Ka Soo Baxa Caasimada Hargaysa isla markaana lagu sheegay in Kulan ay Yeesheen Gudida Fulinta ee Xisbiga Kulmiye ay ka soo saareen Go’aamo kuwaas oo ay u Gudbiyeen Madaxweynaha.
Warsaxaafadeed Kooban oo uu ku saxeexan yahay Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye Xasan Siciid Yuusuf ayaa u dhignaa Sidan:- Waxa jiray war aan sal iyo raad toona lahayn oo lagu daabacay wargayska Waaheen oo lagu sheegay inay kulan isugu yimaadeen Guddida Fulinta ee xisbiga KULMIYE , isla markaana go’aamo ay ka soo saareen u gudbiyeen Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
Haddaba, waxa uu xisbiga KULMIYE halkan ka cadfaynayaa in aannu habayaraatee jirin shir ay isugu timi Guddida Fulinta ee xisbiga KULMIYE oo ka dambeeyay kii qabsoomay 25/October/2013 oo ay ku goysay in tirada ergooyinka shirwaynaha 3-aad ee xisbigu noqoto 801 ergay.
Xisbiga KULMIYE wuxuu mar labaad caddaynayaa inuu warkaasi yahay mid been abuur ah oo ka mid ah wararkii xaqiiqada ka fogaa ee wargayska Waaheen dhaqanka u ahayd.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com