|

Kulmiye iyo Waddani oo la ganaaxay

Hargeysa October 17, 2024(QJ) -Guddida Anshaxa ee Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa soo saaray awaamiir ku wajahan Xisbiyada iyo Ururada Siyaasada, waxaanay ku soo rogeen Ganaax lacageed labada Xisbi ee Kulmiye iyo Waddani.

Guddidu waxa kale oo ay ku dhawaaqday in la mamnuucay ololaha iyo isu imaatinnada xisbiyada siyaasadda iyo ururada siyaasadda ilaa inta ay ka bilaabmayso wakhtiga rasmiga ah ee ololaha.

Guddoomiyaha Guddida Anshaxa Aadan Xuseen Maxamed oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa faahfaahiyey go’aamadii ay guddidu ka soo saartay dhacdooyin ka dhacay gobollo badan oo ka tirsan Somaliland. Waxaanu yidhi “Waxaanu go’aansanay in labada xisbi ee Kulmiye iyo Waddani ganaax lacageed oo dhan 10 milyan oo shilinka Somaliland ah lagu ganaaxo, sidoo kalena aanu joojinay ololihii ay ku jireen”.

Waxa kale oo uu xusay in Xisbiga Ucid iyo Ururada kaleba sida oo kale looga mamnuucay inay galaan hawlaha ololaha.

Cidii u hoggaansami weyda awaamiirtan, waxay saamaynaysaa maalmaha ololaha doorashada ee loo asteeyay, “ayuu hadalkiisa ku daray Guddoomiye Aadan Xuseen.

Comments are closed