Kulankii lagu falanqaynayey ka wada hadalka iyo saxeexa Xeerka Hab-dhaqanka Saxaafadda ee Doorashooyinka oo isu bedelay Shirqool iyo wariye lagu soo weeraray
Hargeysa Oct 31,2012(SDN/Hubaal)-Kulan laba maalmood ah oo ay Hay’ada Akaadamiga Nabadda iyo Horumarinta Somaliland ku marti qaaday Suxufiyiinta Hay’adaha Warbaahinta Madaxbanaan iyo ta Dawladda, oo Hudheelka Maansoor ka furmay 29-kii Oktoobar ayaa shalay ku dhammaaday natiijo la’aan iyo is-afgaran waa ka dhex dhashay Warbaahinta Madaxbanaan iyo Hay’adihii soo qaban-qaabiyay.
Kulankan oo lagaga wada hadlayay Xeerka Hab-dhaqanka Saxaafadda ee Doorashooyinka Golayaasha deegaanka ee Somaliland, ayaa ku soo gebo-gaboobay Shirqool lagu dhaawacay Wariye ka tirsan Wargeyska Waaheen iyo in Warifidiyeenadii ka socday Warbaahinta Madaxbanaani diideen inay saxeexaan Xeerkaasi, ka dib markii ay ka biyo Diideen qaabka ay Hay’adaha soo qaban-qaabiyay wax u wadaan.
Gabagabadii Kulankan oo ay fadhiyeen Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Eng. Ciise Yuusuf Maxamed ( Xamari), Afhayeenka Madaxtooyada, Axmed Saleebaan Dhuxul, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Cabdirashiid Jibriil Yuusuf iyo xubno ka socda Warbaahinta Madaxbanaan ayaa laysku fahmi waayay qaabkaa loo wado Xeerkaasi, waxaanu shirku ku xidhmay buuq iyo sawaxan, iyadoo markii laga soo dareeray Koox dhalinyaro ahi halkaasi ku soo weerartay Wariye Saleban Cabdi Kalshaale (Kalshaale) oo ka socday Wargeyska Waaheen.
Wargeysyada Madaxabanaan ee Somaliland ayaa ku dhawaaqay inaanay ku dhaqmayn Xeerkaasi, isla markaana aanay qayb ka ahayn Heshiis kasta oo lala saxeexday cida dabada ka wada.
Sidaasina waxay ku sheegeen Warsaxaafadeed ay si wada jir ah u soo saareen Masuuliyiinta Wargeys-yada Madaxabanaan ee Somaliland, Warsaxaafadeedkaasoo u dhignaa sidan:-
“Annagoo ah Masuuliyiinta Hay’adaha Warbaahinta Madaxabanaan, waxaanu cadaynaynaa in kulankan labada maalmood socday ee ay soo qaban-qaabiyeen Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Akaadamiyadda Nabada iyo Horumarinta Somaliland, sida ku cad Qoraalka Marti qaadka ah ee nuqul ka mid ah Sawirkiisa aanu halkan idiinku soo gudbin doono,in kulankaasi maalintiisii labaad oo qorshuhu ahaa in laga doodo arinta laysugu yimi, isu bedelay mid shir-qool , Dhaawac, Cago-juglayn iyo Hadi-daad loogu geystay loogu geystay Suxufiyiintii ka qayb gashay loogu si khasab loogaga saxeexo Xeer aan laysku waafaqin.
Waxaanu cadaynaynaa oo kale in Hanjabaadaa, Cago-juglaynta iyo Shirqoolkii dhacay masuuliyadeedu ay dusha u saarantahay cidii Kulankan soo qaban-qaabisay oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka oo goobta Xaadir ku ahaa, una hanjabayay suxufi kasta oo naqdiya ama Ra’yigiisa mid ka duwan qaba iyo Akaadamiyada Nabadda ee Marti-qaadka bixisay oo hagistii kulanka u dhiibtay shakhsiyaad, dagaal wadar ah ku soo qaaday Wariye Saleebaan Cabdi Cali oo ka mid ah Hawl-wadeenada Wargeyska Waaheen, markii kulanka lagu soo kala dareeray.
Mid kale, Waxa ayaan daro ah, markii ay yiqiinsadeen Komishanka Doorashooyinka iyo Akaadamiyada hawshan wada watay inay door bidaan si ay khasab ahaan ugu dhaqan geliyaan in intoodii wadatay oo ay isku saxeexaan kelidood.
Sidaa darteed, Markay arkeen Warbaahinta Madaxbanaani meel ka dhaca iyo af-duubka lagu duudsiiyayo Xuquuqda Rayi dhiibasho iyo go’aanba, waxay cadaynayaan in aanay ku dhaqmi doonin XEERKA HAB-DHAQANKA SAXAAFADDA EE DOORASHOOYINKA, sidoo kalena baahin doonin wax wacyi-gelin ah oo la xidhiidha Doorashooyinka Deegaanka ee dalka qabsoomaya 28 bisha NOVERBER.
Maadaama oo aanu jirin wax heshiis ah oo ay wada galeen Hay’adaha warbaahinta madaxa banaan iyo Komishanka Doorashooyinku, balse ay mar walba ku dhaqmi doonaan Xeerka Saxaafadda Somaliland ee Xeer No 27/2004, guddanna doonaan masuuliyadooda saxaafadeed ee waajibka ku ah.
Hay’adaha Caalamiga ah, kuwa xuquuqal Iinsaaanka iyo kuwa kale ee daneeya arrimaha Somaliland iyo deeq-bixiyayaasha Somaliland ka taageera Doorashooyinka, waxaanu la socodsiinaynaa mar labaad in heshiiska xeerka hab-dhaqanka Doorashooyinka aanu waxba ka khusayn Warbaahinta madaxabanaan, balse uu ku koobanyahay oo kaliya inta kala saxeexatay.
Ugu dambeyntii waxaanu cambaareynaynaa falkii shirqoolka ahaa ee halkaasi lagula kacay Wariye Saleebaan Cabdi Cali, waxaanan Hay’adaha amniga ka codsanaynaa inay gacanta ku soo dhigaan shakhsiyaadkii Weerarka qaawan ku soo qaaday suxufiga aan waxba galabsan, ee Waxyeeladda loo geystay, sida ku cad Dhaawac muujintan hoos ku xusan.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com