Kulankii Kowaad oo ay Maanta Gondaha is dareen Labada Garab ee Golaha Wakiilada ee Khilaafku ku dhex aloosnaa
Hargaysa 12.Feb 2014 (SDN)- Guddida labada garab ee Golaha wakiilada Somaliland u kala jabay u xilsaartay Xalinta khilaafka Golaha ayaa maanta Kulan ku yeeshay Xarunta Golaha wakiilada. Xildhibaanada oo ka kooban dhinaca Xisbi Xaakimka taabacsan ee dhawaan Mooshinada keenay Golaha iyo dhinaca ka soo horjeeda mooshinada islamarkaana u janjeedha Gudoomiye Cirro ayaa kulan saacado socday ka dib warbaahinta u sheegay inay ka wada hadlayaan Arimaha dhaliyay khilaafka Golaha.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin(Cabdiraxmaan Dheere) iyo Xildhibaan Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo ka dib Shirkaasi albaabadu u xidhaayeen warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in si fiican ay ugu socdaan wada hadalka iyo sidii xal looga gaadhi lahaa khilaafka hadheeyay Golaha wakiilada. Waxay tilmaameen in wali uu u socdo wada xaajoodku islamarkaana ay wixii ka soo baxa soo bandhigi doonaan marka kulamadaasi u dhamaadaan. Xildhibaanada ayaa rajo fiican ka muujiyay in xal dan u ahi Golaha uu ka soo baxo kulamadoodaasi.
Golaha guurtida oo dhexdhexaadin ka dhex waday labada dhinac ee wakiilada ayaa Shalay sheegay in garabada wakiiladu u kala jabay codsadeen inay si gaara u wada hadlaan islamarkaana wixii ka soo baxa ay ka war sugayaan.
Xildhibaanada labada garab ee Wakiiladu u saareen turxaan bixinta Golaha wakiilada oo Xeer hoosaad dhawaan ay ansixiyeen kala irdheeyay Gudoomiye Cirro iyo ku xigeenadiisa ayaa kala ah:
Dhinaca taabacsan Gudoomiye Cirro
1-Xil. Ibraahim Mahdi Buubaa,
2-Xil. Maxamed Saalax Cige,
3- Xil. Saleebaan Cali Koore,
4- Xil. Maxamed Cali Xirsi
5- Xil. Ibraahim Jaamac Cali “Rayte”
6- Xil. C/qaadir Jibriil Tukaale,
7- Xil Siciid Cilmi Rooble.
Dhinaca kale ee Xisbi Xaakimka Taageersan
1- Xil Saleebaan Cawed Cali “Bukhaari”,
2- Xil , C/raxmaan Cismaan Caalin, (C/raxmaan Dheere),
3- Xil C/raxmaan Maxamed Jaamac (Loyar),
4- Xil Maxamuud Obsiiye,
5- Xil Ibraahim Caraale Cabdi (Ruush)
6- Xil Axmed Cabdi Kijaandhe,
7- Cali Axmed Diiriye (Cali Gebiley).
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com