Kulankii balaadhnaa ee ka dhacay Galbeedka London oo lagu soo dhaweynaayey Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade.
London 11Dec13(SDN) Kulan aad u balaadhan oo lagu soo dhawaynayey wasiirka arimaha gudaha Somaliland ayaa ka dhacay Galbeedka Magaaladda London Kulankan oo ahaa kii ugu balaadhnaa ee in dhaweyd ka dhaca London ayaa lagu soo dhaweynaayey Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancad,kulanka oo uu goob-joog ka ahaa Safiirka Somaliland ee UK Cali Aadan Cawaale iyo madax kale oo ka socotay arimaha Bulshada,Haween,Dhalinayro.kulanka oo ay soo abaabuleen Haweenka reer Somaliland ee London waxa kale oo ka soo qayb galay garabyadda haweenka ee sadexda xisbi qaran ee Ucid iyo Kulmiye iyo Wadani taas oo kulmisay Haweenka xisbiyada qaranka taas oo mujisay wada jirka bulshada reer somaliland waxa kale oo la filayaa in dhawaan la qabto munasabad kale oo lagu soo dhawaynayo Mayer ku xigeenka Casimada Somaliland Mudane Cabdicasiis cagawayne. munasabadan oo goob joog ka ahayeen salaanmedia iyo qurbejoog ayaa waxa aan idiin soo gudbin donaa sawirada iyo wararka somaliland.