Kulankii 1aad oo Foolka Fool ah oo Xalay Madaxtooyada ku dhex Maray Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Iyo Madaxweyne Siilaanyo+ Muuse Biixi oo ka Hadhay la Tartanka Madaxweynaha iyo Hadalka Maanta laga filayo
Hargaysa 21.June 2014 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa kulan la yeeshay Guddoomiyaha xisbiga tallada dalka haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi.
Kulankaasi ayaa la sheegay inuu caawa ka qabsoomay xarunta madaxtooyadda, waxaan la soo weriyay inay ka soo shaqeeyeen xubno Ganacsato waaweyn ah oo ka soo jeeda beesha Guddoomiye Muuse Biixi.
Madaxweynaha Iyo Guddoomiyaha ayaa ilo xog ogaal ahi noo xaqiijiyeen inay qeyb ka ahayd Go’aamadii Golaha Guurtidu ka soo saareen khilaafkii KULMIYE.
Warku waxa uu intaas ku daray in Guddoomiyaha KULMIYE uu madaxweynaha ku war-geliyay inuu ka tanaasulay murrashaxnimadii Madaxtinimadda ee uu hore u iclaamiyay inuu kula tartami doono madaxweynaha murrashaxa madaxweynenaha ee xisbiga KULMIYE u matali doona doorashada kal-dambe lagu wado inay dalka ka qabsoonto.
Guddoomiyaha KULMIYE ayaa la sheegay inuu kulankaasi kaga dhawaaqay inuu taageeradiisa la garab taagan yahay madaxweynaha oo uu ka shaqeyn doono sidii xisbigoodu doorashadda madaxtinimadda mar kale ugu guulaysan lahaa.
Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa la sheegay inuu dabuubta Muuse Biixi ka dib uga mahad celiyay go’aankiisa isla markaana uu ku ammaanay guulihii xisbigu gaadhay mudadii afarta sanadood ahayd ee Muuse Biixi Hoggaaminayay xisbul-xaakimka KULMIYE.
Waxa la sheegay in Guddoomiyaha KULMIYE Sabtida maanta uu balan-qaaday inuu warbaahinta u faahfaahin doono inuu ka tanaasulay damaciisii la xidhiidhay inuu u baratamo murrashaxa madaxweynaha ee xisbigaas.
Kulankaas waxa la sheegay inay ku wehelinayeen Guddoomiyaha xubno Ganacsato ah oo ka soo jeeda beeshiisa oo uu horkacayay Maxamed Aw Siciid Geedi,kuwaasi oo la tilmaamay inay kaalinta ugu weyn ka qaateen sidii kulankaasi u qabsoomi lahaa, isla markaana meesha looga saari lahaa kala-qeybsanaantii ka dhalatay khilaafkii xisbiga KULMIYE ee noqday mawduuc qaran oo saamayn ku yeeshay ra’yul caamkii bulshadda Somaliland.
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com
contact@somalidiasporanews.com