Kulan Maanta Garowe ku Dhex Mari doona Danjire Key iyo Isimada Punt land iyo Waxyaabaha uu daaran yahay
Garowe 17.Aug 2014 (SDN/QJ)- Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud QM u qaabilsan arrimaha Somalia Danjire Nichalos Key ayaa lagu wadaa maanta inuu magalo madaxda Puntland ee Garowe kulan kula yeesho Isimadda Puntand intooda ku sugan magalada Garowe.
Kulankan uu Kay Waxgaradka Puntland la qaadanayo ayaan wax badan laga ogayn iyo sababaha keenay inuu la shiro balse wararka soo baxaya ayaa sheegaya inay khusayso arrimaha Somalia iyo xaalada Puntland maadama Kay uu wakiil Somalia uga yahay UN-ka.
Docda kale magalada Garowe ayaa shalay oo Sabti ahayd waxaa lagu soo dhaweeyay Ugaas Cabdullaahi Ciise oo ka mid ah wax ku oolka Gobaladda Sool.Sanaag iyo Cayn waxana soo dhawayntiisa ka qayb qaatay madaxwayne ku xigeenka Puntland.
Ugaaskan ayaa Madaxtooyadda kula kulmay madaxwayne Dr.Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) inkastoo aan xog badan laga hayn.
Maanta ayay ku beegan tahay waqtigii Xafiiska QM laga furay Somalia balse waxaan la ogayn sababta kulankan loogu qorsheeyay Axada.
Marka arrimahan laga wada yimaado madaxwayne Cabdiwali Cali Gaas ayaa xiriirka u jaray DF 31-dii July ka dib markuu la qorsheeyay in Mudug iyo Galgaduud mamul oo sameeyo.
Madaxwayne Gaas ayaa madaxtooyadda kula shiraya hadda xildhibaanadii uu baarlamaanka federaalka uga yeeray taasoo salka ku hayo xaalada mamul u samaynta Mudug iyo Gagaduud.
Balse Danjire Kay ayaa cadeeyay inuusan wax saamayn ah ku yeelan doonin Puntland dhismaha Mudug iyo Galgaduud oo ay shaxdu tahay Galmudug iyo Galgaduud in mamul loo sameeyo.
Garowe SDN/QJ