|

Kulan looga hadlayo Xuquuqul Insaanka oo ay yeesheen Mas’uuliyiin sare oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Muqdisho Jan 09 2013 (SDN)- (Warsaxaafadeed)- Waxaa galabta shir albaabada u xirnaa ku yeeshay xarunta madaxtooyada Villa Somaliya gaar ahaan xafiiska  Gudoomiyaha Baarlamaanka federaalka soomaaliya , Mudane Maxamed Sheikh Cusmaan Juwaari, Gudoomiye Kuxigeenka Baarlamaanka Jeylaani Nur Iikar iyo Gudiga baarlamaanka u qaablisan Xaquuqul Insaanka, Haweenka iyo Arimaha Bini-aadanimada oo dhawaan gudoomiye loo doortey Xildhibaan  Khadijo Maxamed Diiriye, halka ay Gudoomiye Kuxigeena loo doortey Xildhibaan Muuse Sheekh Cumar iyo Xogheynta gudiga Xildhibaan Bishaar Ugaas Ibrahim oo maanta joogay kulanka ay la yeesheen Ambasador Yusuf Mohamed  Ismail Bari-Bari oo ah Ambassador ka u jooga soomaaliya fadhiga joogtada ee qaramada midoobay ee  Geneva, Switzerland.

Kulanka wuxuu ku saabsanaa xog-wareysi waxaana  warbixin looga dhageystey Ambassador yusuf Bari-Bari oo dhawaan ka yimid Geneva waxaana diirada lagu saarayey shirka sidii gudigaan  dhawaan la magacaabey ay door wax ku ool ah uga qaadan lahaayeen hawsha adag ee hortaala wuxuuna balan qaadey in kaalin wada shaqeyn oo muhiim ah uu ka qaadan doona  hawlaha gudigaan oo intiisa badan ay Geneva ka jiraan gudiya caalami ah iyo kuwa qaramada midoobey oo u xilsaaran ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo banaamijka horumarinta dhinaca kaalmada bini-aadanimo.

Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Kuxigeenkiisa 1aad ayaa dhankooda waxey warbixin kooban siiyeen Ambassador Yusuf Bair Bair waxeyna ku amaaneen islamarkaana uga mahad celiyeen hawsha wanaagsan ee uu qabtey.

Gudiga baarlamaanka u qaablisan xuquuqul insaanka, haweenka iyo arimaha bini-aadanimada ayaa gaba-gabadii uu ku booriyey gudoomiyaha baarlamaanka iyo kuxigeenkiisa  inay qabsadaan hawsha uu baarlamaanku u igmaday islamarkaana ay gutaan waajibaadkooda shaqo ee la xisaabtanka xukuumada iyo hay-adaha kale ee dalka ka shaqeeya.

Gudigan ayaa rajo weyn ay ka muujinayaan shacabka soomaaliyeed inay la xisaabtamaan wasaaradaha xukuumada  iyo hay-adaha samafalka ee masuq-maasuqa samafalka loogu tala galay shacabka dhibaateysan iyo ilaalinta xaquuqda shacabka soomaaliyeed.

                                       —– End ——

SDN-Muqdisho

Comments are closed