Kulan looga hadlayay xoojinta howlaha shaqo ee garoonka Diyaaradaha oo ka dhacay Magaalada Muqdisho (Sawirro)
Muqdisho Jan 05 2013 (SDN)-Kulan looga hadlayay xoojinta howlaha shaqo ee goroonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta garoonkaasi waxa ku yeeshay Wasiiro iyo Mas’uuliyiinata garoonka.
Kulanka oo ka dhacay gudaha garoonka Aadan Cade Airport ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka howlaha guud iyo gaadiidka, wasiir ku xigeenada wasaaradaasi iyo Mareeyaha garoonka Muqdisho waxana ay ka wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa shaqada hada ka socota garoonka.
Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada AMISOM islamarkaana Amaankiisa ay xaqiijinayaan ayaa waxaa ka soconay dib u dacyactir weyn oo lagu sameynayo waxana hada bilicdiisu ay umuuqataa mid isi soo badleysa.
Muxyadiin Maxamed Kaalmooy wasiirka wasaarada howlaha guud iyo gaadiidka oo lahadlay saxaafadda ayaa sheegay in isbadal weyn ay ku sameyn doonaan howlaha Garoonka waxana uu tilmaamay in ay sifiican u shaqeyn doonaan.
Mas’uuliyiintii kala ee hadashay ayaa iyaguna ku adkeystay in ay wax ka qaban doonaan garoonka islamarkaana ay isbadal ku sameyn doonaan.