Kulan looga arinsaday horumarinta cisbitaalka sallaxley oo Hargeysa lagu qabtay
Hargeysa April 29,2014(SDN/QJ)-Kulan Balaadhan oo ay soo qaban qaabiyeen Urur weynaha GAAROODI ayaa ka qabsoomey Star Hotel 25 April 2014, Kulankan oo ujeedadiisu aheyd dardar galinta hawlaha Dhakhtarka hooyadda iyo dhalaanka sallaxley ayaa waxaa ka soo qeyb galey marti sharaf kala duwan oo isugu jirtey madax, aqoonyahan , haween dhalinyaro iyo dhakhaatiir.
Ugu horeyna waxaa hadalka lagu furey aayado quraanka kariimka ah iyadoo uu ku xigey gudoomiyaha Ururka GAAROODI Maxamed Abdi Ibrahim ( Sallax), waxaa uu ugu horeyn u mahadceliyey marti sharaftii kulanka ka soo qeyb gashey waxaanu raaciyey in uu tilmaamo ujeedada kulankan loo qabtey iyo agendaha yaal . waxaana agendayaashii ka mid ahaa
· Shaqaalaha Dhakhtarka Sallaxey Iyo gunooyinkooda
· Dib u magaacaabista guddida caafimaadka degmada sallaxley
· Deyrka Cusbitalka Sallaxley oo Qabyo ah DHameystirkiisa.
· Doorka ay Qaadan Karaan Dhakhaatiirta Da’da yare e Beeshu
· Doorka Golaha Deeganka sallaxley
Kadib ururka horumarinta dhalinyaradda sallaxley ayaa ku soo bandhigey goobtaas presentation qurux badan iyo video daawasho ah oo ka waramaya xaaladda cusbitaalka sallaxley iyo halka uu manta marayo, waxey kale oo ay dul istaageen baahiyaha kala duwan ee ku gadaaman horusocodka iyo horumarka cusbitaalka sallaxley.
Waxaa kale oo halkaas warbixin kooban oo xaaladda hada ee cusbitaalka ka jeediyey madashii Agaasimaha cusbitaalka sallaxley Mudane Jawhar aw ali.
Mudane Ali Ibrahim “cali Sanyare” ayaa kalmado dhaxal gal ah ka dhawaajiyey isagoo tilmaamey ahmiyadda ay leedahey in maamul adag iyo guddi caafimaad oo shaqeyneysa loo sameeyo deegaanka guud ahaan gaar ahaan cusbitaalka , sidoo kale la helo dhaqaatiir Joogta Ah ( Permanent Doctors ) oo si toos ah uga hawl gala dhakhtarka si adeegyadda kala duwan ee uu hooyadda iyo dhalaanka u qabanayo loo kordhiyo,sidoo kale la cadeeyo miisaniyad sanadeed ay ku cadahay baahiyaha kala duwan ee dhinac walba leh ee cusbitaalku u baahan yahey.
Marwo Faadumo shaacib oo ka mid aheyd guddidi hore ayaa tilmaamtey waxqabadkii guddidii hore iyado farta ku fiiqdey in gaabis badan jiro loona baahan yahay in wax ka bedel lagu sameeyo guddidaas loona hawl galo sidii guddi firfircoon loogu heli lahaa deegaanka iyo cusbitaalka sallaxley.
Mudane Faysal Cayuun , Pro Keyse Ali Geedi , Dr Farhan Jama Dube, Marwo Sucaad Ibrahim, Fuaad Abdisalam Iyo Xubno kale oo door ah ayaa iyaguna halkaas ka soo jeediyey kalmado dhaxal gal ah oo ku saabsan sidii ugu haboon ee loo horumarin karo cusbitaalka sallaxley loogana faaideysan karo qalabka casriga ah ee yaal cusbitaalka.
Gabogabadii Kulankaas , Waxaa la isla qaatey in la sameeyo Guddi Farsamo( Technical Committee) oo ka kooban todobo xubnood, Doorkooduna yahey in ay soo niqaashaan baahiyaha kala duwan ee cubitaalka heysta sidoo kale soo dajiyaan Miisaaniyad sanadeed go’an oo cusbitaalku leeyahey , Guddidaas Waxey loo doortey Xubnahan
1. Xoghaye Maxamed Khadar Dahir
2. Pro Keyse Ali Geedi
3. Dr Farhan Jama Dubbe
4. Agaasime Jawhar Aw Ali
5. Cali Muxumed Aabi
6. Fuaad Abdisalam
7. Ali Ibrahim Sanyare Xubin Sharaf
Sidaasana Guddida Farsamo ku hawl galeen oo isla maalintii ku xigteyba kulan ku yeesheen xafiiska GAAROODI, Dajisteena Qorshe hawleed kooban oo xaalada jirta la jaanqaadaysa.
THANKS
GUDIDA FULINTA GAAROODI