Kulan lagu soo afjarayo Xiisadii ka dhacday God Heeli oo lagu qabtay Magaalada Oog
Oog 29.Aug 2013 (SDN)- Magaalada Oog ee Gobolka Sool maanta waxaa lagu qabtay kulan balaadhan oo lagu soo afjarayey shaqaaqadii ka dhacday deegaanka god-heeli.
kulankaasi oo ay ka soo qayb galeen dhinacyadii ay dhibaatadu ka dhex dhacday iyo ergooyinkii dhexdhexaadinta ka dhex waday ayaa waxaa hadal ka soo jeediyey labo oday oo u kala hadlayey labada ardaa, kuwaasoo cadeeyey inay ka maarmeen gudidii dhexdhexaadinta iyo xeer-beegtidii xadhig xidhka ahayd isla markaana ay gudahooda dhamaysanayaan xalinta khilaafkii jiray.
Salaadiin, cuqaal iyo waxgarad ka tirsan ergooyinkii ka hawlgalay nabadaynta oo halkaa ka hadlay ayaa dhankooda ku bogaadiyey kalsoonida ay labada ardaa dhexdooda isu muujiyeen iyo sida ay uga go’an tahay inay xal kama dambays ah ka gaadhaan xurgufta dhexdooda taallay.
geesta kalena weftigii ka socday xukuumadda Somaliland oo uu hogaaminayey wasiirka arimaha gudaha Md cali maxamed warancadde ayaa iyaguna waxay ammaan u jeediyeen labadii ardaa ee la dhexdhexaadinayey iyagoo sheegay inay muddo kooban ku dhamaystirtaan waxii dhiman hawsha.
Md warancadde waxa uu ku dhiirriyey dadweynaha deegaankaasi in ay ilaashadaan nabadooda, halka sidoo kalena uu ballanqaaday inay xukuumadu wax ka qaban doonto arimaha dhinaca bulshada ee ay cabashooyinka ka keeneen dadweynaha deegankaasi.
Oog SDN.
Qurbejoog.com