Kulan lagu qiimaynayo waxqabadka wasaaradda Caafimaadka Somaliland iyo hay’adda Health Unlimited iska kaashadeen oo ka furmay Hargeysa
Hargaysa Dec 19.2012 (SDN)- Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee Wasaarada Caafimaadka Khadar Maxamud Axmed ayaa furay Kulan lagaga hadlayay waxqabadka Wasaarada Caafimaadka iyo hay’ada Health Unlimited ka fuliyeen gobolada dalka, kaasoo ka qabsoomay Huteel Maansoor.
Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee Wasaarada Caafimaadka oo madashaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in kulankan dib loogu eegi doono Waxqabadka ay ka wada shaqeeyaan Wasaarada Caafimaadka iyo Hay’ada Health And Limited,kuwaas oo ka socda sida uu xusay Gobolada Maroodi jeex iyo Saaxil,agaasimahani waxa uu sheegay oo kale in kulankan lagu dejin doono qorshaha ku talo gal ee sannadka soo socda iyo sidii loo balaadhin lahaa barnaamijyada dhinaca caafimaadka.
Marwo Shugri Xariir Ismaaciil oo ku hadlaysay magaca Hay’ada Health Unlimited ayaa sheegtay in hay’adani ay Somaliland ka fuliso mashaariic waxtar leh oo kor loogu qaadayo caafimaadka bulshada , Waxaanay Xustay in Mashaariicdani ay mataano ku yihiin hay’adan iyo Wasaarada Caafimaadka.
Shugri Xariir Waxay intaas ku dartay in Wasaarada Caafimaadku ay dadaal badan ugu jirto sidii ay uga midho dhalin lahayd in adeega caafimaadku uu gaadho Guud ahaan deegaamada kala duwan ee wadanka.
Qurbejoog.com, Hargeysa