Kulan Lagu Mideynayo deeqaha la siiyo dowladda Soomaaliya oo Muqdisho ka dhacay (Sawirro)
Muqdisho May 14 2013 (SDN)– Kulan balaaran oo aya ka soo qeybgaleen xubno matalaya beesha caalamka iyo Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa maanta waxa uu ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Kulankan oo uu jeedkiisu ahaa sidii loo mideyn lahaa taageerada caalamku siiyaan Soomaaliya ayaa waxaa soo qaban qaabiyay wadamada dhibaatooyinka ceynkaani oo kala ah soo maray ee loo yaqaano G7.
Kulankan waxaa loogau Magac daray Colaadda Ha dhamaato Horumar ha Billaabmo, waxaana madasha ka hadlay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu ugu horeyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.
Ra’iisal Wasaaraha Saacid ayaa sheegay in muhiimada midaynta gargaarka deeq-bixiyeyaasha ee loo yaqaan ‘New Deal Process’ aya tahay arrin muhiim ah oo loobaahan yahay.
Sawirada Kulankii Maanta