Kulan lagu Gorfaynayo Galdooladii Doorashada Deegaanka oo Hargaysa ka qabsoomay
Hargaysa 29 Dec.(SDN)
Kulan hawleed lagu darsayo waxyaabihii ka soo baxay Doorashadii golahan deegaanka ee dhawaan ka qabsoontay, ayaa maanta lagu qabtay Hotelka maansoor ee magaaladda hargeysa.
kulankan oo ay iska kaashadeen daladda Nagaad, iyo Hay’addaha Hafayooko iyo Oxform kana qayb qaadanayaan hawlwadeenadii ka qayb galay hawlihii Doorashada, ayaa waxa lagu falanqaynayaa isla markaana lagu qiimaynayaa Gal-daloolooyinkii ee ka muuqday hawlaha doorashada, iyadoo ay ka qaybgalayaashuna ay halkaa ka soo jeedinayaan xogaha ay ka hayaan mudadii ay ku guda jireen shaqada doorashada.
Natiijada kulankan ayaa lagu tilmaamay mid waayo aragnimadeeda looga faa’iidaysan doono doorashooyinka soo socda.
Agaasimaha dalada Nagaad Nafisa yuusuf Axmed oo kulankan furtay ayaa ka qayb galayaasha ujeedisay in maxsuulkii ka soo baxay hawshii doorashadii deegaanka in laga faa’iidaysto isla markaana ka qayb galayaashu ay si furan kulankan ugaga qayb qaataan xogta ay ka hayaan hawlihii ay ku guda jireen ee doorashadaasi.
Dhanka kalena waxa iyana halkaa ka hadlay Ismaaciil Maxamed oo ka socday hay’ada Oxform oo sheegay in loo baahan yahay in dadweynuhu dadka ay usoo xulanayaan inay matalaan ay ku qiimeeyaan kartidooda iyo aqoontooda.
Kulankan oo ay maalgelisay Ha’yada DFID, waxa kala soo ka hadlay madaxa Mashaariicda dalada Nagaad iyo Agaasimaha dalada la Dagaalanka Idhiska ee Sahan Anwar C/raxmaan Warsame.
Hargaysa SDN