Kulan lagu Gorfaynayay Sidii Manhajka Waxbarashada ee Somaliland loogu dari lahaa Maado ka hadlaysa Badbaadinta deegaanka oo Hargaysa lagu qabtay
Hargaysa 15.Jan.(SDN)
Kulan lagaga hadlayay Tayaynta Manhajka Waxbarashada Dugsiyada hoose Dhexe iyo Badbaadinta deegaanka ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Hargaysa.
Waxaa kulankan ka qayb qaadanayay Mas’uuliyiin ka kala socotay Wasaaradaha Deegaanka,Waxbarashada,beeraha,Ka hortaga Aafooyinka Debiiciga ah,iyo Khubaro aqoon dheer u leh deegaanka.
Dr C.kariin Aadan Cumar oo ah Agaasimaha Waaxda Mashaariicda iyo Horumarinta ee Wasaarada Deegaanka ayaa ka qayb galayaashii kulankan baahida loo qabo in Jiilka soo koraya aqoon laga siiyo badbaadinta deegaanka isla markaana Manhajka Waxbarasho ee Wadanka lagu daro Casharo ka hadlaya ahmiyada uu deegaanku u leeyahay nolosheena .
Sidoo kale Agaasimaha Waaxda Cilmi baadhista ee hay’ada Nerad Mawliid Muuse Ibraahin,ayaa isaguna sheegay in talaabooyinka ay Wasaaradaha iyo aqoon yahanada wadanku kaga qayb qaadanayaan Manhajka Waxbarashada ay Hay’ad ahaan soo dhawaynayaan isla markaana ku gacan siinayaan wax kasta oo cilmi ah oo ay dheer yihiin.
Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Madax ka tirsan Xafiiska Manaahiijta iyo Macalimiin ka qayb qaadanayay Kulan hawleedkaas .
Hargaysa SDN.