|

Kulan lagu Dhiirigelinayo Waxbarasha Ardeyda Baahiyada Gaarka ah leh oo Hargeysa Lagu qabtay

Hargeysa April 23,2012(SDN)-Kulan lagu dhiirigelinayo waxbarashada caruurta baahiyaha gaarka ah qabta oo ay ka soo qayb galeen maamulka,Waalidiinta iyo hay’adaha ka shaqeeya arrimaha caruurta ayaa Maanta lagu qabtay Xarunta dugsiga baahiyaha gaarka ah ee caasimada hargaysa.

Waxaa ugu horayn halkaasi ka hadashay Khadra Cumar Xasan oo ah gudoomiyaha ururka SASE ee gacanta ku haya dugsigan waxaanay tilmaantay in caruurta dugsigan wax ka barataa ay yihiin kuwo ay xaaladooda waxbarasho wanaagsan tahay isla markaana u baahan daryeel iyo la socodka xaaladooda ,waxaa kale oo Gudoomiyahani sheegtay in Caruurta Iskuulkan ku jirtaa marka ay dhamaystaan waxbarashadooda ay tagi karaan dugsiyada kale, si ay fal gal ula sameeyaan ayay tidhi ardayda kale iyadoo waalidiinta iyo macalimiintana ku boorisay inay xanaanayn joogto ah la garab joogaan ubadka dugsigan ku jira.

Sidoo kale Dayib Maxamed Odowaa oo ka socday hay’ada Hand cap oo ka mid ah hay’adaha wada shaqaynta la leh dugsiga ay wax ka bartaan caruurta baahiyaha gaarka ah qabta ayaa qaybaha kala duwan ee bulshada u soo jeediyay in caruurta ay ku hayaan Guryaha ay keenaan dugsigan si aanay u noqon ayuu yidhi kuwo aan waxba kala socon nolosha mujtamacooda,isagoo intaas ku daray inaanay jirin wax shuruud lacageed ah oo ka joojinaysa inay ubadkan wax baraan.

Waxaa kale oo kulankaasi ka hadlay qaar ka mid ah Waalidiinta ay caruurtoodu wax ka bartaan dugsigan oo sheegay inay ku faraxsan yihiin heerka aqooneed ee ay ubadkoodu marayaan waxaa kale oo ay cadeeyeen in xidhiidh wada shaqayneed oo joogto ah ay la yeelan doonaan maamulka iskuulkan.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed